Suudaan oo loogu baaqay inay xirriirka u jarto Kuuriyada Waqooyi

Xigashada Sawirka, AFP
Waxaa ka jiray dalka Suudaan dibadbaxyo looga soo horjeeday shuruucda dhaqaalaha dalkaasi,Suudan waa inay xirriirka u jarto Kuuriyada Waqooyi haddii ay doonayso wadahadallo ku saabsan sidii looga saari lahaa liiska dalalka maalgeliyo argagixisada,Sidaasi waxaa yiri sarkaal sare oo ka tirsan Mareykanka oo ay soo xigatay waakaladda wararka ee AFP.
Inkastoo Mareykanku uu cunaqabataynta dhaqaalaha ka qaaday Sudaan Bishii Oktoobar, weli Suudaan waxay ku hartay liiska dalalka maalgeliyo argagixisada oo ay kamid yihiin Kuuriyada Waqooyi, Suuriya iyo Iraan.
Saraakiisha Suudaan waxay sheegeen inay kusii jiritaanka liiska ay u horseedday in bangiyada caalamka ay xirriir ganacsi la samayn waayaan bangiyada maxalliga.
Waxay diideen in dalka Suudan uu wax xirriir uu la leeyahay Kuuriyada Waqooyi.
Bayaan uu soo saaray wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan ayuu ku xaqiijiyay in dalkiisa uusan habayaraatee wax xirriir ah la lahayn Kuuriyada Waqooyi.
Dalka Suudaan waxaa ragaadiyay sicir barar,daymo badan oo lagu leeyahay iyo inuu hoos u dhacay dhakhliga saliidda taaso dibadbaxyo ka dhalisay dalkaasi
Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Suudaan inay haggaajiso diwaankeeda xuquuqul insaanka iyo arrimaha dimuqraaddiyadda si gogosha loogu xaaro wajiga labaad ee wadahadallada.
Suudaan iyo Kuuriyada Waqooyi ma lahayn wax xirriir ah sanado badan balse ururo u ololeeyo xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay in labada dal ay leeyihiin iskaashi milatari, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.










