Oday 30 sano cunayay qaadka oo u joojiyay dhibaatooyin uu ka dhaxlay awgood

Qoraalka Codka, Oday 30 sano cunayay qaadka oo u joojiyay dhibaatooyin uu ka dhaxlay awgood

Geedka Qaadka ayaa ah geed caleentiisa ay qaar ka mid ah bulshada Soomaalidu meel ay joogtaba cunto dhaqaale aad u badanna kaga baxo.

Waxaa la sheegaa in qaadku uu door lixaad leh ku leeyahay dhibaatooyinka arrimaha bulshada ee haysta Soomaalida.

Axmed Xuseen Xasan waa oday Soomaali ah oo mudda 30 sanadood ah qaadka cuni jiray balse haatan joojiyey markuu garawsaday in uu dhibaatooyin badan ka dhaxlay qaadka.

Oday Axmed waxa uu dhibaatooyinkaas uga warramay weriyahayaga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam oo kula kulmay magaalada Jigjiga.