Xayiraaddi Sucuudigu Yemen saaray oo la moodo inuu dabciyey

Xigashada Sawirka, ALMASIRAH
Xukumadda Yemen ee Sucuudigu taageero ee dagaalka kula jirta fallaagada Xuutiyiinta ayaa sheegtay in shirkadeeda diyaaradaha ee Yemenia ay bilaabi doonto duulimaadyo ay ugu kala gooshayso dhulka ay xukuumaddaasi gacanta ku hayo.
Talaabadani waxay astaan u tahay in Sucuudigu debciyey xayiraadii uu ku soo rogay dalkaas ee uu saaray dhammaan marinada hawada, berriga iyo badda Yemen Isniintii.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay in laba qof oo Yemeniyiin ahi dhinteen ka dib markii loo diiday in dibadda lagu soo daweeyo.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara xayiraaddaa maadaama ay wadanka ka jarayso saadka gargaarka oo ay horseedi karto macaluul.
Sucuudiga ayaa sheegay in ujeedada ay xayiraadda Yemen u saareen tahay in ay ka hortagaan saanadda u tagta Xuutiyiinta oo gantaal isla maalintaa ku soo riday madaarka magaalada Riyaad.
Dhanka kale wararka laga helayo warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegaya in markii ugu horraysay Saalix Al-Sammad, oo ah madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta fallaagada ah lagu arkay meel fagaare ah tan iyo markii Salaasadii huwanta Sucuudigu hor kacayaa duqaynta ku bilawday agagaarka Sanca ee dhawrka fallaagada ah ay ku dileen.






