Baaritaanka doorkii Ruushka ee doorashadii Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters
Wararka laga helayo warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dacwadihii ugu horreeyay ee ku saabsan faragelinta la sheegay in dowladda Ruushka ay ku sameysay doorashadii ka dhacday Mareykanka sannadkii aynu soo dhaafnay loo gudbiyay waaxda dembi baarista ee Mareykanka.
Tallaabadan ayaa waxaa maalintii sabtida oggolaaday guddi garsoorayaal oo laga soo xulay dadweynha Mareykanka. Waxaana ilaa iyo iminka aan la ogeyn waxa dacwadan ay ka kooban tahay iyo dadka lagu tuhmayo.
Baaritaanadan oo uu horkacayo Robert Mueller ayaa bilowday bishii May ee sannadkan, waxaana guddigan ay shegeen inay baarayaan suurta galnimad in Ruushka uu farageliyay doorashadii Mareykanka iyo in kooxdii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump uu wax xiriir ah kala dhaxeeyay xukuumadda Moscow.
Madaxweyne Trump ayaa jimcihii aynu soo dhaafnay sheegay in wax xiriir ah oo qarsoodi ah uusan kala dhaxeynin Ruushka, waxaana sidoo kale eedeymahaasi beeniyay dowladda Ruuhska.






