Trump oo Iiraan ku eedeeyay inaysan tixgelin heshiiskii nukliyeerka

Xarunta Nuclear-ka ee IranMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan aanay sidii la rabay uga soo bixin heshiiskii nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha caalamka.
Trump oo ka hadlayay shir uu Aqalka Cad kula lahaa hogaamiyayaasha milateriga ayuu sheegay inay qasab tahay inay soo afjaraan hanka nukliyeerka ee Iiraan, iyo sidoo kale waxa uu ugu yeeray daandaansigeeda Bariga Dhexe.
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramaysa in Mr Trump uu qorshaynayo inuu todobaadka soo socda meeshaba ka saaro heshiiskii nukliyeerka, isagoo sheegay inuusan ka mid ahayn danaha qaranka Mareykanka.
Taasna waxa ay Kongareeska Mareykanka u furi doontaa inuu go'aan ka gaaro inuu cunaqabatayn ku soo rogo waddanka Iiraan.
Mr Trump ayaa u sheegay weriyayaasha inay waqti kooban maqli doonaan xog ku saabsan Iiraan.
Heshiiska ayaa xaddiday dhaqdhaqaaqa nukliyeerka ee Iiraan iyadoo taa badelkeedana laga qaaday cunaqabatayntii saarneyd, heshiiskaasna waxa uu ka mid ahaa waxyaabihii uu diblumaasiyadda ka gaaray Madaxweyne Obama.






