Is marin waa ka taagan guddiga doorashada ee Kenya

Qoraalka Codka, Is marin waa ka taagan guddiga doorashada ee Kenya

Dalkan Kenya ayaa waxaa ka taagan jahawareer siyaasadeed ka dib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo la filayo in 17-ka bisha soo socota uu qabto doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah.

Khilaafka ayaa salka ku haya koox cusub oo uu gudoomiyaha guddiga, Wafula Chebukati, u saaray inay qaban qaabiyay doorashadaasi.

Muranka ayaa shaki gelin kara in doorashada ay ku dhacdo muddada loogu talagay.

Prof Cabdirisaaq Caraale Nuunow waa bare wax ka dhiga jaamacadda Moi ee dalkan Kenya, muranka ka dhex aloosan guddiga doorashada ayuu uga warramay Axmed Badar.