Muslimo Qaasim Hilowle oo casharo muusig ah ka biloowday dugsi Muqdisho ku yaala

Qoraalka Codka, Muslimo Qaasim Hilowle oo casharo muusig ah ka biloowday dugsi Muqdisho ku yaala

Gabadha ka tirsan kooxda fanka ee Soomaaliya ee Waaberi , Muslimo Qaasim Hiloowle ayaa casharo muusig ah ka biloowday dugsi gabdhaha gaar u ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Wariyaheena Muqdisho Cali Nuur Salaad oo booqday dugsigan ayaa kusoo waramaya in iskasta oo ay jiraan iskuulaad kale oo bixiya maadada fanka iyo suugaanta , haddane dugsigan uu yahay kii ugu horeeyay oo bixiya casharo la xiriira muusiga.

Muslimo Qaasim Hilowle oo cashar muusig ah ka bixinaysa dugsi ku yaala Muqdisho
Qoraalka sawirka, Muslimo Qaasim Hilowle oo cashar muusig ah ka bixinaysa dugsi ku yaala Muqdisho

Waxaa lagu magacaabaa Dugsiga Gabdhaha Agoonta ee Boondheere halkaas oo Muslimo oo caan ku ah xaga garaacista muusiga ay ku leedahay xiisadda fanka iyo suugaanta, taas oo ay gabdhaha ardayda ah ku barto sida loo tumo muusiga.

Muslimo ayaa BBC-da u sheegtay in waagii hore uu Muqdisho ku ooli jirey iskuulka Muusiga, balse burburkii kadib aysan jirin meel muusiga lagu barto.

Muusiga ayaa aad looga adeegsadaa guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna ka midyahay waxyaabaha madadaalada ah ee maalin kasta ay dhagaystaan dadka Soomaaliyeed, iyada oo xitaa qalabka warbaahinta si joogto ah looga baahiyo barnaamijyo muusig iyo heeso ah, sidaasi oo ay tahay waxaa aad u yar dadka jiilka cusub ee xirfadda u leh garaacistiisa.

Ardaydii aan ku booqanay fasalka iyaga oo la barayo muusiga ayaa waxaa ka muuqday dareen iyo shucuur farxadeed oo aad u saraysa, waxana ay ku luuqaynayeen heeso, qaarkoodna waxa ay garaacayeen qalab muusig oo goobta lasoo dhigay.

Muslimo Qaasim Hilowle waxa ay ka tirsantahay kooxda Waaberi
Qoraalka sawirka, Muslimo Qaasim Hilowle waxa ay ka tirsantahay kooxda Waaberi

Goobihii sida weyn loogu soo bandhigi jiray fanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah masxara qaranka, kaasi oo aanan shaqaynin laga soo bilaabo sannadkii 1991-dii. Dowladda hadda jirta ayaa sheegtay in ay dib u dayactiri doonto tiyaatarka, balse taas wali ma dhicin.

Gabadh ardayda ka mid ah oo la barayo muusig
Qoraalka sawirka, Gabadh ardayda ka mid ah oo la barayo muusig