Dowlada federaalka oo ka hadashay wadahalada Ahlu Suna iyo Galmudug
Wadahaladii u dhaxeeyay Ahlu suna iyo maamulka Galmudug ayaa lagu guuldaraystay inay ku heshiiyeen doorashada soo socota ee Galmudug ee lagu wado inay dhacdo 30-ka bishan.
Balse wasiirka arrimaha Gudaha iyo federaalka ayaa BBC-da u sheegay inay sii socon doonaan wadahadalada u dhaxeeya labada dhinac, inkastoo weli ay jiraan arrimo la isku qilaafsan yahay.
Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayaa haddabo arrintaasi ka wareystay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federaalka, Cabdi Faarax Saciid Juxa.