Shiinaha oo diiday dhuxusha Kuuriya Woqooyi

Xigashada Sawirka, Reuters
Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu hakinayo dhammaan waxyaabaha looga keeno Kuuriyada Waqooyi.
Ujeedada ayaa ah in xukuumadda Pyongyang cadaadis la saaro, ka dib markii gantaal ay tijaaabisay.
Waxyaabaha Shiinaha uu joojinayo waxaa ka mid ah dhuxul Kuuriyada Wqooyiga ay ka soo dhoofsato.
Dhuxusha aadka u badan ee Kuuriyada Woqooyi ay Shiinaha u doofiso waxaa si ballaaran ugu tiirsan dhaqaaleheeda xukuumadda Pyongyang oo cunnaqabateyn ay saaran tahay.
Waxaana suuragal ah dhaqaalahaas inuu yahay midka ay ku hormariso hubkeeda nukliyerka.
Sanadkii tagay, maamulka Shiinaha wuxuu sheegay in soo dhoofsiga dhuxusha uu joojindoono.
Waxay ogolaadaan oo keli ah qeyb ay sheegeen inay ugu daneynayaan shacabka dalka Woqooyiga Kuuriya.
Sikastaba, warbixintii Shiinaha ee dhaqaalaha waxay muujisay in dhuxusha laga soo dhoofiyo Kuuriyada Wqoqooyi ay sanadkii tagay sare u kacday boqolkiiba 12.










