Janaraal Galaal oo 2016 ka warramay shir uu Fidel Castro u qabtay Itoobiya iyo Soomaaliya

Qoraalka Codka, Galaal oo sharaxaya shir uu Fidel Castro u qabtay Itoobiya iyo Soomaaliya

Alle ha u naxariistee, janaraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliya ku meteleysay wadahadalladii lala galay Midowgii Soofiyeet iyo dowladda Cuba, xilligii uu socday dagaalkii 1977.

Ruushka iyo Cuba Dadka reer Cuba ayaa u hiiliyay dowladdii Itoobiya ka dib markii ciidamada Soomaaliya ay ka awood bateen.

Janaraal Galaal ayaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u raacay shir ka dhacay Yaman oo looga hadlayay dagaalkaas iyo sidii loo xallin lahaa.

Fidel Castro, Hoggaamiyihii hore ee Cuba oo shirkaas Yaman isugu yeeray wuxuu dhintay sannadkii 2016-kii, xilligaas ayuuna Janaraal Galaal BBC Somali uga warramay shirkii Yaman iyo dagaalkii 1977.

Soomaaliya waxay bari ka mid ahayd bah-weynta hanti-wadaaga ee la jaalka ahayd midowgii sofiyeti, hase ahaatee bahweyntii ay is-bahaysiga lahaayeen waxay ku kala boodeen dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya markii midowgii sofiyeeti iyo xulafadiisii ay la safteen xukuumadii Addis Ababa.

Madaxdii shuuciyiinta oo uu hoggaaminayey Fidel Castro oo ahaa hogaamiyihii Cuba ayaa shir isugu geeyey Yaman madaxweynihii Soomaaliya, Moxamed Siyaad Barre iyo Hogaamiyihii Itoobiya Mengistu Haile Marian si loo qaboojiyo dagaalka labada dal ee jaarka ah.

Galaal wuxuu 2016-kii u warramay weriyihii hore ee BBC Somali, Cabdinuur Sheekh maxamed Isxaaq.