Soomaalida iyo doorashada Maraykanka
Laba maalmood ayaa ka dhiman doorashada madaxtinimada Maraykanka ee afartii sanaba mar la qabto. Labada musharrax ee loollanka adag uu ka dhaxeeyo, Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa ku jira saacadihii ugu dambeeyey ee ololahooda.
Codbixinta dhici doonta Talaadada waxaa lagu wadaa inay codkooda ka dhiibtaan dad waayeel ah oo ka mid ah soomaalida ku nool Maraykanka ee sharciyan xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan. Wariyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen ayaa ra'yigooda doorashada ku aaddan ka soo uruuriyey dakaas oo isugu jira kuwo hadda ka hor wax soo doortay iyo kuwo hadda ay ugu horrayso.