Dad ku dhintay tareen ku burburay Karachi

Xigashada Sawirka, Reuters
Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhimatay shil tareen oo ka dhacay magaalada Karachi ee dalka Pakistan, waxaana ku dhaawacmay 50 kale.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegaysa in laba tareen oo xawaaro ku socday ay isku dhaceen meel u dhaw xarunta tareennada ee Landi.
Mid ka mid ah tareennadaasi ayaa la sheegayaa in uu ku dul-rogmaday tareen kale oo xarunta taagnaa.
Kooxaha gurmadka ayaa adeegsanaya qalabka biraha lagu jaro, ayaga oo ku dadaalaya sidii ay ku badbaadin lahaayeen dadka ku xayiran gudaha burburka tareenka.
Ra'iisal wasaare, Nawaz Sharif, ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo shilkaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in tareenka shilka sababay si khaldan loogu amray in uu socdo, xilli uu khadkiisa xirnaa.
Waxaa si kumeelgaar ah loo hakiyay dhammaan tareennada ka bixi lahaa magaalada Karachi.






