Todobaadka dhaqanka Soomaalida oo Nairobi ka billowday
Magaalada Nairobi waxaa maanta ka bilaabanaya todobaad loogu magac daray todobaadka dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo hore sannad walba loo qaban jiray.
Todobaadkan waxaa dhaqanka la soo bandhigi doono ka mid ah agabka iyo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Sidoo kale suugaan iyo qoraallo ayaa la soo bandhigi doonaa.
Warbixin haddaba ku saabsan todobaadka dhaqanka oo ay soo agaasintay xarunta Aw Jaamac Cumar Ciise waxaa noo haya Ciise Xaaji Cabdulle