Itoobiya oo ciidamo dheeraad ah u daad gureyneysa dhammaan qeybaha dalkeeda

Xigashada Sawirka, AFP
Maamulka dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegayaa in ciidamo loo daad gureynayo qeybaha dalka oo dhan, taas oo qeyb ka ah xaaladda degdegga ah ee dowladda ay ku dhawaaqday.
Boqollaal qof ayaa ku dhimatay isu soo baxyo rabshado watay oo dowladda ka dhan ahaa dowladda.
Dibad-baxyada iyo qalalaasaha ayaa waxay ka dhacayeen gollada Oromada iyo Amxaarada.
Labadaasi qowmiyadood oo ah kuwa ugu badan dalka Itoobiya ayaa ka cabanaya in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la faquuqay.






