Weerar lagu qaaday warshad ku taalla Itoobiya oo uu leeyahay ninka ugu taajirsan Afrika

Qoraalka Muuqaalka, Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya, waxay dhowr bilood wadaan isu soo bax ka dhan ah dowladda.

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dibad baxayaasha ay weerareen shirkad shamiitada sameysa.

Warshaddaasi waxaa iska leh nin u dhashay dalka Nigeria oo ah ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote.

Waxaa goobta lagu gubay gawaari sida kuwa xamuulka qaada iyo mishiino.

Waxay sidoo kale weerareen saldhig boolis, waxayna sii daayeen maxaabiis, iyagoo sidoo kale dab qabad siiyay gawaarida dowladda.

Taageerayaasha Oromada ee gobolkaasi oo dhan ayaa dibad baxaya, waxayna ka careysan yihiin tobanaan qof oo Axaddii halkaasi ku dhimatay.

Dadkaasi dhintay waxay ka qeyb galayeen munaasabad dhaqan oo rabshado isu badashay.

Dowladda iyo banaan baxayaasha ayaa warar is qilaafsan ka sheegay dhimashada ka dhalatay rabshadii ugu dambeysay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dowladda iyo banaan baxayaasha ayaa warar is qilaafsan ka sheegay dhimashada ka dhalatay rabshadii ugu dambeysay

Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya, waxay dhowr bilood wadaan isu soo bax ka dhan ah dowladda.

Waxay ka andacoonayaan dhibaatooyiin siyaasadeed iyo faquuq dhanka dhaqaalaha ah.