Gaadiidleyda Somaliland iyo xilliga Xajka

Qoraalka Codka, Gaadiidleyda Somaliland ayaa waxa ay helaan amcaash badan xilliyada Xajka oo xoolo badan a

Xilliyada xajka, Somaliland waxaa aad mashquul u noqda dekadaha laga dhoofiyo xoolaha nool. Sidoo kale gaadiidleyda daabusha xoolahani ayaa xilligan ku xisaabtama maadaama ay helaan shaqo ka wanaagsan xilliyada kale.

Haddaba weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo shaqo u tegay dhowaan magaalada Berbera oo xilligan xajka xoolo fara badan ka dhoofayaan dekedda ,ayaa wuxuu la kulmay qaar ka mid ah dareewallada gaadiidka gobollada ka soo qaada xoolaha oo ka waramaya xamuulka gawaaridooda iyo duruufahooda ganacsi, warbixintan ayuuna ka soo diray.