Puntland oo ka digtay argagixisada
Maamulka Puntland ayaa shaaciyay magacyada, sawirrada iyo beelaha ay u dhasheen dad ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen weerrarada dilka iyo is-qarxinta ee dad badan ay ku dhinteen oo uu u dambeeyey kii toddobaadkii hore ka dhacay Gaalkacyo, iyo kii shalay ka dhacay Muqdisho.
Maamulka Puntland wuxuu sheegay in baaritaan kadib in ay u caddaatay xubnahan in ay faafiyaan in laga digtoonaado.
Wariyaha BBC Abdifatah Ibraahin ayaa telefoonka Garowe wuxuu ku wareystay Cabdulaahi Maxamed Jaamac afhayeenka madaxtooyada Puntland.