Xujay xoolo dhaqato u badan oo Gaarisa lagu tababarayo
Magaalada Gaarisa waxaa ka socda tababar loo samaynayo xujayda sanadkan soo gudanaya acmaasha Xajka.
Xujaydaas ayaa u badan xoolo dhaqato, culimada ayaana faahfaahin ka siinaya sida ugu wanaagsan ee loo guto acmaasha xajka.
Weriyaha BBC Bashkas Jugsoodhacay ayaa tagay goobta wax lagu barayo Xujayda warbixintan ayuuna magaalada Gaarisa noga soo diray.