BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Xiisad cusub oo u muuqata in ay ka dhex qaraxday Turkiga iyo Israa'iil
Turkigu ma xaqiijin in ciidamadiisa loo qorsheeyay in loo raro saldhiggaas milatari ee Suuriya. Hase yeeshee, wuxuu diiday sheegashada Israa'iil
TOOS, Trump oo ku dhawaaqay bilaabista “howlgal dhaqaale oo aan hore loo arag” oo ka dhan ah Iran
Trump oo ku dhawaaqay bilaabista “howlgal dhaqaale oo aan hore loo arag” oo ka dhan ah Iran
Maxay tahay sababta madaxda maxkamadda caalamiga ah ee Addunka Maraykanku cunaqabtaynta u saaray?
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn ka dhan ah madaxa Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo qareen sare oo ka tirsan maxkamaddaas.
Nin kaadi-heystiisa ay dhaqaatiirtu ka saareen dhagax miisaankiisu yahay 3.1kg
Dhaqaatiirta dalka Sri Lanka ayaa ka saaray kaadi-haysta nin dhagax miisaankiisu yahay 3.1kg; waxayna aaminsan yihiin inuu noqon karo dhagaxii ugu weynaa ee noociisa ah ee abid la diiwaangeliyo.
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Taalibaan nolol nuucee ah ayuu ku nool yahay?
Dhabarka Qasriga Arg waxaa ku yaala geedo chinara ah oo ka mid ahaa astaamaha xukunkii hore ee Afgaanistaan. Geedahaasi waxay soo joogeen oo ay marag ka ahaayeen soo dhaweyntii hogaamiyeyaal badan oo soo maray Afgaanistaan.
Magaalo laga dhisayo Dayaxa; riyada cusub ee Elon Musk ma hirgeli kartaa?
Hadallada Elon Musk waxay la jaanqaadeen warbixin ay soo saartay Wall Street Journal, taas oo sheegtay in SpaceX ay maalgeliyayaasha u sheegtay inay mudnaanta siin doonto hawlgallada Dayaxa, isla markaana ay dib u dhigi doonto dadaallada safarka Mars, iyadoo qorshuhu yahay in Maarso 2027 la sameeyo degitaan Dayaxa ah oo aan dad wadin.
Garsoore Maraykan ah oo Trump u oggolaaday inuu soo afjaro sharci kumannaan Itoobiyaan ah ka ilaalinayay in la musaafuriyo
Garsooreyaal waday dacwado la mid ah oo khuseeya dadka ka soo jeeda Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Myanmar ayaa maalmahan dambe diiday dooddaas.
Siddeed arrimood oo sahlan oo 'dib u celin kara' cimrigaaga
Waagii hore, su'aasha "Immisa jir baad tahay?" waxay ahayd mid si fudud looga jawaabi karo. Haddii aadan hubin da'daada, waxaad si fudud u tirin kartay shumacyada saaran keega dhalashada. Laakiin maanta, shumacyadaasi waxaa laga yaabaa inaysan si buuxda u muujin karin xaaladda dhabta ah.
Sarkaal sare oo horey Soomaaliya uga soo howl-galay oo Itoobiya xil muhiim ah u magacowday
Dadaallada lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka ka hawlgala gobolka waxaa inta badan hoggaamiya Ciidamada Difaaca
Meta oo“qarisay xaqiiqada” ku saabsan badbaadada carruurta, sida maxkamaddu sheegtay, iyadoo ay bilaabatay dacwaddii baraha bulshada
Meta ayaa loo haystaa in ay qarisay xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan dhibaatooyinka carruurta yaryar ay kala kulmaan baraheeda bulshada.
Kiiska dilkii Tupac Shakuur oo 30 sano kadib ka bilowday maxkamad ku talla Maraykanka
Dacwad oogayaashu waxay ku andacoonayaan in inkastoo Davis uusan ridin qorigii dilay fanaanka saameynta leh, haddana uu isagu abaabulay dilka. Davis wuu beeniyay eedeymaha wuxuuna qirtay inaanu dambi lahayn.
"Waxaan rabay Jeep balse waxaa la ii keenay orgi": haddiyadda lama filaanka ah ee qalin jabinteyda
Dadka qaar ee ka baxsan koonfur-bari Nigeria, orgiga wuxuu u ekaan karaa hadiyad aan caadi ahayn oo ku soo beegantay dhammaadka jaamacadda. Laakiin dadka Igbo dhexdooda, xayawaanku wuxuu leeyahay macno dhaqameed qoto dheer.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
Fan iyo Dhaqan
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Cabdi Daysane oo BBC uga warramay guusha uu ka gaaray doorashada Minnesota
Natiijada doorashada hordhaca ah waxay Daysane u tahay tallaabo muhiim ah, waxaana uu hadda diiradda saari doonaa doorashada guud iyo ololaha ballaaran ee ka horreeya.
Trump oo qirtay in si qarsoodi ah loo saaray diyaarad aan ahayn tan madaxweynaha cabsi laga qabo Iran
Arrintan ayaa soo shaac-baxday ka dib markii la soo wariyay in Trump uu raacay diyaaradda Air Force One 8-dii July iyadoo ay arkayaan kamaradaha telefishinka, ka hor inta uusan ku dhuuman gaari cuntada qaada si loogu wareejiyo diyaarad milatari.
Sidee BBC-du ugu suurtagashay inay dabagal ku hesho madaxii sirdoonka Bashar al-Assad ee is qarinayay?
Waxaan sawirro ka qaadnay bog kasta oo ka mid ah buug-xusuustii laga helay guriga Hussam Luka, markii aan London ku soo laabannayna, waxaan bilownay inaan hubinno dhammaan 155-ka lambar ee taleefan ee ku qornaa.
Warar sheegaya in Trump uu ku dhex dhuuntay gaariga cuntada ee gudaha diyaarad sir ah cabsi laga qabay hanjabaadda Iiraan
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka laga wareejiyay diyaaraddii hore ee Air Force One oo la saaray diyaarad ciidan, xilli uu ka soo baxayay shir madaxeedka NATO oo bishii hore ka dhacay Turkiga.
Maxaad kala socotaa heshiiska difaac ee seddex-geesoodka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga
Il wareed ku dhow dowladda Sacuudiga, oo xogta siiyay AFP, ayaa xaqiijiyay in heshiiska lagu saxiixi doono maalinta Jimcaha ee magaalada Jeddah oo ku taal xeebta Badda Cas.
Muxuu Sacuudigu ka faa'iidayaa dagaalka Iran?
Shirkadaha shidaalka ee Sacuudiga ayaa helay faa’iidooyin ka dhashay kor u kaca qiimaha saliidda intii uu socday dagaalka Iran, inkastoo wax-soo-saarku hoos u dhacay. Haddaba maxay faa’iidooyinkan uga dhigan yihiin Sacuudiga, ma sii jiri doonaan muddo dheer?
Nafaqo-darrada carruurta Baydhabo oo aad looga dayrinayo
Sida laga soo xigtay falanqayntii ugu dambeysay ee IPC, qiyaastii lix milyan oo qof, taasoo ah mid ka mid ah saddexdii qof ee Soomaalida ah, ayaa wajahaya cunto yaraan, iyadoo ku dhawaad 1.9 milyan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
Ma taqaanaa gantaalka ugu halista badan ee yalla Afrika xilligaan?
Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inuu la shaqeynayay militariga dalka sannado badan, inkastoo la'aanta xaqiijinta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.
Maxaa ka jira in Iran weerartay nidaamka biyaha ee todobo gobolka oo Maraykanka ah?
Dad badan ayaa la yaabay toddobaadkii hore markii gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka uu shaaciyay in in ka badan 30 nidaam oo biyaha qaybiya ay wajahayaan "weerar dhanka internetka ah oo si nidaamsan loo qaaday".
Muddo intee le'eg ayay Iiraan sii wadi kartaa dagaalka?
Dhowr bilood ka dib markii uu dagaalku bilaabmay, Iran waxay lumisay qayb ka mid ah awooddeeda milatari iyo kaabayaasheeda, waxayna wajahaysaa cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya. Haddana, kuwa go'aannada gaara ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa weli u dhaqmaya sidii iyagoon ku degdegaynin inay soo afjaraan dagaalka.
Sida Ruushku uu askar, gubatay, dhaawacantay oo xabado ku dhaceen ugu dirayo furumaha
BBC News Russian ayaa soo bandhigtay dukumeentiyo maxkamadeed oo shaaca ka qaadaya eedeymo soo noqnoqday oo ku saabsan in taliyayaashu ay askarta dhaawaca ah dib ugu celinayeen goobaha dagaalka ee Ukraine, halkii ay u diri lahaayeen baaritaanno caafimaad oo sharcigu waajibiyay.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 20 Agoosto 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 20 Agoosto 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 19 Agoosto 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 19 Agoosto 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.














































































