BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Ruushku ma doonayaa inuu dhamaado dagaalka Bariga Dhexe?
Maxay tahay sababta uu wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu u booqanayo Ruushka? Ma waxaa la gaaray dhammaadka dagaalka? Yaa hadda hoggaaminaya Iiraan?
TOOS, Essa Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil kadib weerarkii mindida loo adeegsaday ee ka dhacay Golders Green
Heerka khatarta ee muwaadiniinta Britain ayaa la kordhiyay kadib weerarkaas mindida loo adeegsaday ee ka dhacay London
5 cunto oo ay tahay inay ka fogaadaan dumarka ku jira caado go'a si ay isaga ilaaliyaan baruurta caloosha
Isbeddellada hormoonnada xilliga caado go'a iyo dhowrka sano ee ka horreeya waxay kordhiyaan khatarta kororka miisaanka caloosha.
Sidee bay safaaradda Iiraan ugu isticmaashay barta X hub ahaan intuu socday dagaalka?
Akoonnada diblomaasiyadda Iiraan ee Barta X ayaa ku lug yeeshay arrintan itii uu socday dagaalkii uu dalkaas la galay Maraykanka iyo Israa'iil
12 xaqiiqo oo ku saabsan bulshada sirta ah ee Illuminati
Illuminati waa magaca loo bixiyay bulsho la abuuray 245 sano ka hor.
Shiinaha oo canshuurta dhoofka ka daayay dhammaan wadamada Afrika marka laga reebo hal dal
Canshuur dhaafitaanka Shiinaha ayaa xoojinaya awood jilicsan ee Shiinaha, balse waxaa laga yaabaa in ay dhacdo isu dheelitarnaan dhinacyada macaamilaya sida falanqeeyayaal qabaan
Nin tooreey ku dilay ilmo da'doodu u dhaxayso hal ilaa laba sano oo xukun lagu riday
Waxa uu ku adkeystay in xilliga uu weerarka geysanayay uu la ildarnaa xanuun dhanka dhimirka ah, isla markaana uusan awoodin in uu ujeedo u yeelo dilka, isagoo ka dalbaday Maxkamadda in aan lagu qaadin dambiga lagu soo eedeeyay.
Nin xubintiisa taranka gebi ahaanba ay xaaskiisu ka jartay ayaa dib loogu tolay.
Khubaradu waxay sheegeen in xaaladda rakibka xubinta ah ay si wanaagsan u soo hagaagayso, bukaankuna uu bilaabay inuu kaadiyo
'Kansar lagu daaweeyo tufta': Dadka Afgaanistaan oo ka niyad jabay adeegyada caafimaadka oo maciin biday daaweeyayaal ruuxi ah
Sida uu sheegay ururka caafimaadka adduunka (WHO), in ka badan 24,000 oo qof oo ku nool gudaha Afganistaan ayaa sanad kasta laga helaa Kansar, halka qiyaastii 17,000 ay u dhintaan cudurkan sanadkii.
Afar faa'iido caafimaad oo ay leedahay in aad banaanka aado xilliga roobku da'ayo
Roobabku kaliya ma keenaan yaraynta kulaylka, laakiin daraasaduhu waxay muujinayaan inuu sidoo kale wanaajin karo niyadda, nadiifiyo hawada, kiciyo xusuusta iyo caawin karana jirka inuu dego.
Trump oo loo bandhigayo qorshe ku saabsan suurtagalnimada tallaabo militari oo laga qaado Iran.”
Saraakiil milatari ah ayaa la sheegayaa in ay wadaan qorshahaan oo ay la wadaagi doonaan Trump, balse lama oga waxa uu ka oron doono
Shaqaale sheegay in ay arkeen isticmalayaasha ookiyaalaha Meta oo galmo samaynaya iyo shirkadda oo muran ka dhexeeyo
Bishii Febraayo, shaqaalaha shirkadda, Sama, ayaa u sheegay laba wargeys oo Iswidhish ah inay arkeen dadka isticmaala muraayadaha oo galaya suuli galmana sameynaya.

























































