Uber oo baabuur is wada ka bilaabaysa Pittsburgh ee Maraykanka

  • Published
Uber VolvoImage source, Volvo
Image caption,

Uber ayaa qorshaynaysa in macaamiisha ay ku qaado baabuur oo qalab baabuur wada ku xiran yahay

Uber ayaa markii ugu horeysay ugolaan doonto macaamiisha inay isticmaalaan baabuur iswadaysa laba toddobaad gudaheed, sida shirkadda ay xaqiijisay.

Uber ayaa sheegtay in lagu bilaabi doono Pittsburgh, Pennsylvania ee Maraykanka. Waxay intaas ku dartay inay iskaashanayaan Volvo.

Marka ugu horaysa, baabuurta waxaa hagi doona darawal, oo waditaanka la wareegi doona hadii loo baahdo iyo kormeere, ayay sheegtay Bloomberg.

Shirkadda ayaa markii ugu horaysay sheegtay qorshahan laba sano ka hor.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa wadda baabuurta Uber, laakiin si toos ah shaqaale uma aha.

"Afhayeenka Uber ayaa sheegtay in Pittsburgh, in macaamiisha ay u codsan doonaan baabuurta sida caadiga ahayd, iyagoo isticmaalaya Uber app, waxaana loo soo dirayaa baabuur iswada". Tagaasida ayaa marka hore lacag la'aan ah, halka laga qaadi doono dadka sida cadadada ah $1.30 mile-kii.

Waxay intaas ku dartay in Volvo ay baabuur ay ku xiran tahay qalabka XC90 ee baabuurta isboortiga (SUV) ay u soo dirtay Uber.

UberImage source, Uber
Image caption,

Uber ayaa bilawday inay tijaabisay baabuur Ford Fusion cars oo ku xiran qalabka baabuurka wada magaalada Pittsburgh horaantii sanadkan

Travis KalanickImage source, DPA
Image caption,

Madaxa Uber Travis Kalanick ayaa qorshaynayay talaabadan waqti dheer