You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Maxaad u baahisay dhaliisha madaxweynaha Somaliland ayaan xabsi ku muteystay"
Maxkamad ku taalla magaalada Burco ayaa 2 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed ku xukuntay Amiira shire oo ah gabar macluumaad soo galisa barta Youtube, ka dib markii ay barteeda so galisay abwaan gabay dhaliil ah u jeedinaya madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Waxaa kale oo maxkamaddu ay xabsi ku xukuntay abwaankii gabayga tiriyey. Amiira oo la xukumay ayadoo aan maxkamadda joogin ayaan la ogeyn haka ay ku sugan tahay. BBC-da ayay u waranat iyadoo ka gaabsatay inay sheegto halka ay ku sugan tahay sababo amni dartood. Xasan Sheekh Cumar ayay u warantay.