Xaaladda Hooyo 16 sano la nool xanuunka HIV/Aids ee ku nool Hargeysa

Soomaali badan oo cudurka Aidska la nool ayaa cadaadis kala kulma bulshada inteeda kale, iyadoo maanta oo kale adduunka oo dhan laga xusayo sidii loo tirtiri lahaa xanuunkan iyo tacaddiga lagu hayo dadka qaba.

Hooyo aanu maryan ahayn magaceeda saxda ah, xaalado adag ayay u soo dhabar-adaygtay lix iyo toban sannadood oo ay xanuunkan la noolayd.

Iyada iyo carruurteeda oo caafimaad qababa nolol qaraar ayay dhadhamiyeen, welina ku sugan yihiin sida ay uga warrantay wariyaha BBC-da ee magaalada Hargeysa Sidiiq Maxamed Burmad.