You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ciyaarta feerka ee beri-samaadkii laga dheeli jiray Soomaaliya
Ciyaarta feerka ayaa ka mid ahayd ciyaaraha aadka looga xiisan jiray Soomaaliya markii uu dalka xorriyadda qaatay ilaa sanadihii todobaatamaadkii. Cabdullaahi Cumar Sulaymaan oo la yaqaan Cabdullaahi biid waxuu ka mid ahaa feeryahannadii Soomaaliya ugu caansanaa xilligaasi, waxaana uu waraysigan uga warramayaa heerka uu ka gaaray feerka iyo weliba qiso cajiib ah oo markii dambe dhalisay in feerka laga mamnuuco dalka. Wuxuuna ka sheekeynayaa tartan xilligaasi dhex maray Soomaaliya iyo Ciraaq oo xiiso lahaa.
Waxa uu u warramay weriye Siyaad Siciid Saalax oo Minneapolis kula kulmay.