Siduu ku billowday dagaalkii qaraarnaa ee Iiraan iyo Ciraaq dhexmaray 1980?

Waxaa maanta la xusayaa sanad guuraddii 30 ee ka soo wareegatay markii uu dhammaaday dagaalkii qaraaraa ee dhexmaray dalalka Ciraaq iyo Iiraan.

Dagaalka ayaa billaabmay 22 bishii September 1980 waxa uuna dhammaaday 20 bishii August 1988.

Dagaalkan ayaa ku baxay dhaqaalo dhan balaayiin doolar waxaana ku dhintay kumannaan qof oo reer Ciraaq iyo Iiraan ah kuwaasi oo isugu jiray askar iyo dad rayid ah.

Ilaa maanta goobihii uu dagaalkaasi ka dhacay waxa miinooyiinkii iyo bambaanooyiinkii lagu aasay ku naf waaya ama ku naafooba dadka rayidka ah ee ku dhaqan mgaalada Basra iyo gobolka buuraleyda Kurdiyiinta.

Haddaba, dagaalkaasi faraha looga gubtay ee dhexmaray Ciraaq iyo Iiraan siduu ku billaabmay,su'aashan iyo kuwa kale ayaan u bandhigay Axmed Sh Maxamed Axmed Tiir oo ka falooda arrimaha dunida Muslimka.