Maxaa laga filan karaa booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee Eritrea?

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu booqasho ku tago magaalada Casmara ee caasimada dalka Eratariya.

Booqashadan ayaa timid ka dib markii sida ay dowladda Soomaaliya sheegtay uu madaxwaynaha Eratariya casuumaad u fidiyay madaxwayne Farmaajo.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo waxaa sidoo kale xaqiijiyey Wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea, Yemane G. Meskel.

Waa booqshadii ugu horreysay oo madaxwayne Soomaaliyeed ku tago dalka Eratariya.

Hadaba muhimad intee la dhan ayay leedahay booqashada maanta lagu wado in uu ku tago dalka Eratariya? maxaase lagu micnayn karaa? Su'aashan iyo su'aalo kale ayaa waydiiyay Faysal Rooble oo ka falooda arrimaha gobolka.