You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dowladda Soomaaliya: Hawlgalka xasilinta cidna looguma aabayeeli doono
Maalmo uun kaddib markii magaalada Muqdisho laga billaabay hawlgallo xasilin ah ayaa gudaha magaalada waxaa hadda laga dareemayaa xasillooni dhanka ammaanka ah.
Hawlgalkaasi oo hub tiro badan lagu soo qab-qabtay ayaa waxaa ka biyo diiday qaar ka mid ah siyaasiinta Muqdisho, kuwaasi oo dowladda ku dhaliilayay in hawl;galkaasi Muqdisho oo kaliya lagu bartilmaameedsanayay.
Haseyeeshe Xukuumaddu waxay ku adkeysanaysaa in xasilinta Muqdisho aynan cidna ugu aabayeeleyn oo haddaba ay gacanta ku soo dhigeen ilaa 60 qor oo ah kuwa daran-dooriga u dhaca, sida uu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo studio-yaheenna Nairobi ugu warramay weriyahayaga Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.