You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhibaatada caafimaad ee ay hooyooyinka kala kulmaan carruurta ku dhinta uurkooda
Qaar ka mid ah ardada dhigata kulliyadaha caafimaadka ee jaamicadaha Hargeysa ayaa loo soo bandhigay cilmi-baaris ku saabsan saameynta caafimaad ee ku dhacda hooyooyinka ilmuhu kaga dhintaan caloosha iyo sidii shaqaalaha caafimaadku ula socon lahaayeen hooyooyinkaasi.
Cilmi-baaristaasi oo socotay sanad ayaa loogu talo galay in ardada dhigata kulliyadaha caafimaadku ay ka faa'ideystaan, dadkii soo bandhigayna waxaa ka mid aheyd Dr Hodan Maxamuud Cismaan.
Waxay u warrantay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Siciid Cige, oo marka hore waydiiyay ujeedada cilmi-baaristooda?