You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dad badan oo cudurro abaarta ka dhashay ugu dhintay gobolka Gedo
Ayadoo ay ka sii darayso abaarta ba'an ee ka taagan Soomaaliya, ayaa qaybo ka mid ah gobolka Gedo waxa ay dadka ugu dhimanayaan harraad iyo cudurro ka dhashay abaarta.
Deegaannada hoos yimaadda magaalooyinka Baardheere, Garbahaarey iyo Buur-dhuubo ayaa ah meelaha ugu daran.
Sida ay BBC u sheegeen mas'uuliyiinta gobolkaasi, ku dhawaad boqol qof ayaa xanuuno abaarta ka dhashay ugu dhintay Gedo.
Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi waa gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, khadka telefoonka ayuu ugu warramay weriyaha BBC Xasan Cali Geelle.