You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Somaliland oo amar kasoo saartay baasaboor Soomaaliga deegaannadeeda lagu sameeyo
Somaliland ayaa ku dhawaaqday amar lagu mamnuucayo ku safarka baasaboorka Soomaaliya ee ay ku qorantahay inuu ka soo baxay magaalo ama goob ka mid ah dhulkeeda.
Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo duulista hawada oo ay wehliyaan ciidanka socdaalka, ayaa amar ku siiyay sharikadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha la xiriira in aanay tigid u jari karin qof kasta oo ku safraya baasaboorka noocaasi ah.
Faah-faahinta amarradaasi cusub ayaa weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige wuxuu ka wareystay taliyaha ciidanka socdaalka Somaliland, Jen. Maxamed Cismaan Caalin Dayib.