Saameynta ay abaaraha Soomaaliya ku yeesheen waayeelka iyo caruurta

Abaarta ka jirta qeyba badan oo ka mid ah Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa si weyn u saamaysay deegaannada Soomaalida.

Roob la'aan deegaannadaasi ka dhacday sanadihii lasoo dhaafay ayaa keentay in dadka iyo duunyadaba ay si weyn u taabato abaarta.

Waxaa deegaannadaasi ka mid ah Xiingalool oo ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana reer miyigga awoodda ay u hayaameen deegaanno naq laga soo sheegay.

Balse waxaa jira dad u badan waayeel iyo caruur oo safarkaasi gali waayay.

Saynab Cabdi Warsame waxa ay ka tirsan tahay howlwadeennada cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Xiingalool oo dhawaan gurmad caafimaad u fidiyay dadkaasi tabaalaysan.

Khadka telefoonka ayay ugu warrantay Fardowsa Maxamed Cilmi.