You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Abaar saameysay qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya
Sida ay shalay hay'adaha gargaarku ka sheegeen magaalada Muqdisho 3.9 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar bani'aadanimo oo deg deg ah kaddib markii abaar ba'ani ay ku dhufatay dhul balaaran oo Soomaaliya ka mid ah.
Boqolaal qoys oo ka soo barakacay abaaraha ku dhuftay deegaanno ka tirsan gobolada Bay iyo Gedo ayaa dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay gaaray magaalada Baardheere, iyadoo durba laga soo werinayo duruufo nololeed oo aad u adag.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah qoysaskaasi, waxayna ka waramayaan xaaladdooda iyo safarkii dheeraa ee ay soo galeen.