You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Falanqeyn: Afrika maxay ka baran kartaa doorashadii Gambia?
Madaxweynaha dalka Gambiya, Yaxya Jaammeh, ayaa si lama filaan ah ku aqbalay in doorashadii dalkaasi ka dhacday koowdii bishan loogaga adkaaday, uuna xilka wareejinaayo.
Waxaa ka adkaaday Adama Barrow, oo ah ganacsade ku cusub siyaasadda, matalayayna isbeheysiga mucaaradka.
Haddaba maxaa sababay in Yaxya Jaammeh, oo 22 sano ka hor awoodda dalkaasi kula wareegay afgambi in uu ogolaado inuu xilka ka dego? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu hor dhignay Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo u warramay weriyaha BBC-da, Axmed Xaaji Xasan.