You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Warbixin: Warshadda qalabka dadka naafada ah ee Hargeysa
Waxaa magaalada Hargeysa ku taalla warshad dadka naafada ka ah lugaha iyo gacmaha u samaysa qalab macmal ah oo ay adeegsan karaan.
Warshada ayaa sidoo kale samaysa baaskiillada dadka naafada ah iyo qalab kale oo daweyn ay u isticmaalaan dadkaasi.
Maamulka warshadaasi ayaa sheegay in bukaannadu ay uga yimaadaan deegaanno badan oo ah kuwa Soomaalida.
Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa booqday xarunta warshadaasi, warbixintan ayuuna inooga soo diray.