You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Abaar ka taagan qeybo ka tirsan Gedo
Ayadoo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO ay todobaadkan shaacisay in inkabadan 5 milyan oo Soomaali ah ay cunno yari wajahayaan, ayaa maamulka Jubaland waxa uu sheegay in deegaanno u badan gobolka Gedo ay ka jirto abaar iyo biyo yari.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, ayaa BBC u sheegay in xoolaha iyo dadkuba ay si weyn u saameeyeen abaartaasi iyo biyo yarida.
Wasiir ku xigeenka ayaa khadka telefoonka ugu warramay weriyaha BBC Raage Xasan.