Daawo: Theresa May oo ka hadashay ciidammada loo dirayo Soomaaliya

Ra'iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa sheegtay in dowladeeda ay ciidammo dheeraad ah u diri doonto Soomaaliya.

May, oo khudbadeedii ugu horraysay ka jeedisay shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, waxay sheegtay in Britain ay tallaabadaasi uga gol leedahay dardar gelinta dagaalka la gula jiro xarakada Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale sheegtay in Britain ay sanadda 2017-ka marti gelin doonto shir caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya.