You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qaxootiga Yemen oo makhaayado furtay
Dadka Yemeniyiinta ah ee ka soo qaxay dagaallada ka socda dalkooda ee jooga Somaliland ayaa waxay qaarkood ka samaysteen ganacsiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin makhaayado cuntada laga cuno magaalooyinka waaweyn ee somaliland , iyagoo dadka dhexgalay.
Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa mar uu dhowaan shaqo u tegay magaalada Berbera wuxuu ku arkay makhaayado cuntooyinkii carabta iyo soomaalidaba lagu samaynayo oo dabbaakha iyo maamuluhu yihiin Yemeniyiin iyagu leh makhaayadaasi, wuxuuna nooga diyaariyay warbixintan.