You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xaaladda dhalinyaradda Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyadda Maraykanka
Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa ka hadashay xaaladda dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsiyadda dalkaasi, ka dib markii ay tahriib halkaasi ku galeen, loona diiday in la aqbalo codsigooda megangalyo doonka ah.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, Axmed Ciise Cawad, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in 378 muhaajiriin Soomaali ah ay ku xiran yihiin dalka Mareykanka, waxa uuna safiirka beeniyay warar sheegayay in safaaraddu ay dowladda dalkaasi kula talisay in dhalinyaradaasi lagu celiyo Soomaaliya.
Safiirka ayaa waxa uu u warramay Xasan Cali Geele oo marka hore weydiiyay xaaladda noolasha dhalinyaradaasi.