BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
17 Agoosto, 2008, 21:33 GMT; 00:33 SGA
Boggan email ugu dir saaxiibDaabac
Eritrea maku soo laabaneysaa IGAD?

Madaxweyne Afawerki
Madaxweyne Afawerki
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo Sudan ayaa ka codsaday Eritrea inay dib ugu soo laabato bahda IGAD, oo ay isaga baxday markii ay Ethiopia qabsatay Soomaaliya.

Khilaafka dhowrka sano soo jiitamayey ee u dhaxeeya Eritrea iyo Ethiopia oo labaduba xubno ka ah urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa uu noqday mid si aad ah u waxyelleeyey waxqabta ururkan, isla markaasna kala qaybiyey dalalka xubnaha ka ah ururka.

Arrinta Somalia ayaana noqotay midda sida aad ah u kala gaysay dalalkan, gaar ahaan gelintaanka ay ciidamada Ethiopia galeen soomalia dabayaaqadii sannadkii 2006-da

Go'aanka Eritrea

Sannadkii tagayna, Eritrea waxay sheegtay in ay hakisay xubintii ay uga jirtay IGAD, ka dib markii kulan wasiirada arimaha dibeda ee wadamada ku bohoobay IGAD ay ku yesheen Magaalada Nairobi ee Dalka kenya ay ku shegeen inay ethiopia ku taagereen ciidamada ay gelisay soomalia.

Wafuudda ay hoggaaminayeen wasiirada arrimaha dibadda ee Kenya iyo Sudan oo ay sidoo kale qayb ka ahayeen xoghaynta ururka IGAD aya waxay la kulmeen Madaxwaynaha Eritrea Isaias Afewerki, waxayna kala hadleen in Eritrea ay dib uga laabato go'aankii ay qaadatay

Eritrea waxay ku eedeysay xubnaha kale ee IGAD inay ku tunteen xeer-ka u dejisan ururka oo ay taagereen in waddan uu ku duulo waddan kale oo madaxbanaan kana tirsan ururka.

Is-badal lagu sameenayo xeerka IGAD

Madaxawaynaha Eritria Isaias Afewerki oo ka hadlay kulanka uu la yeeshay wafuudda aya sheegay in ay isla meel dhigeen in wax laga badalo xeer-ka uu ku dhaqmo ururka si buu yiri aanay mar kale u dhicin khaladaadkii dhacay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetangula oo isna ka hadlay kulanka aya sheegay in loo baahanyhay in is-badllo, lagu sameeyo hannaanka u yaala ururka, si buu yiri ay ugu suurta-gasho ururka in uu daboolo baahida ay qabaan dadka kunool gobolka isla markaasna uu ula Jan qaaldi arimaha taagan .

Dadka indha-indheeya siyaasadda waddamada ku bohoobay ururka IGAD iyo wax qabadkiisaba, waxay aaminsanyihiin in ay adagtahay in IGAD ay mowqif midaysan ka qaadato arimaha gobolka, gaar ahaan siyaasada somalia iyadoo aanan la xallin khilaafka u dhaxeeya Eritrea iyo Ethiopia oo si bareer ah u kala Taageera dowladda ku meel gaarka ee soomalia iyo mucaaradka ka soo horjeeda, iyo sidoo kale iyadoo labadan xukuumadood lagu eedeeyo in si dadban ay ugu dagalaalamayaan soomalia.

Si kasta oo ay ahaatabada, waxa muuqata in danaha is diidan ee waddamada gobolka ay ka leeyihiinn soomalia ay tahay qayb ahaan tan ragaadisanaysa dibna u digaysa xal waara oo laga gaaro siyaasada somalia, oo aanan dowladda shaqaysaa ka jirin 18-kii sanno ee tahay.

QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
Boggan email ugu dir saaxiibDaabac
BBC Copyright Logo^^ Kor ku noqo
Wararka|Falanqeynta|Barnaamijyada|Mawjadaha|Saadaasha Hawada
BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
Privacy|Warsidaha Emailka BBC-da|Laanta Soomaaliga|Nagala soo xiriir|Gacan-siin