Madaxweynihii talada laga qaaday ee Ciraaq, Saddam Xuseen, ayaa la qabtay oo la xiray sida uu xaqiijiyey afhayeenka ciidamada Mareykanka.
Saddam Xuseen waxaa lagu qabtay magaaladii reer awooweyaashiis ee la yiraahdo Tikrit, isagoo goortaasi ku dhuumayey god ku sii dhex yaallay aqal yar.
Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Mareykanka, waxay ciidamada oo ay taageerayaan dayuurado iyo taangiyaba dhaqaaqoodii ugu horreeyey ee dhinaca soo qabashada Saddaam billaabeen lixdii makhribnimo ee saacadda Baqdaad, kaddib markii ay heleen warar sir ah.
Sida uu sheegay afhayeenkaasi, Saddaam Xuseen waxaa lala soo qabtay labo nin oo ka mid ah taageereyaashiisa, waxaana laga qaaday labo qori oo AK-47 ah iyo hal bastoolad iyo lacag dhan US $ 750,000.
Saddaam Xuseen waxaa la soo qabtay iyadoo aanay dhicin wax rasaas ah, isla markaana uusan sameynin wax iska caabbin ah, halwgalkaasina ma jirin cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay.
Afhayeenku milatariga Mareykanku wuxuu sidoo kale soo bandhigay fiidiyow yar oo laga soo duubay Saddaam Xuseen xilligii la soo qabanayey wuxuuna sheegay in loo sameeyey baaritaan caafimaad, kaddibna waxaa la ogaaday in uu Saddam Xuseen caafimaad qabo. Afhayeenku wuxuu kaloo sheegay in hadda Saddam Xuseen lagu hayo meel sir ah oo aanan la shaa.
Sawirka Saddam Xuseen waxaa ka muuqday timhii oo ku baxay, garkii oo sidoo kale ku baxay, wejigiisa kama muuqan dhibaato marka laga reebo in aanu qaabkaasi ahayn qaabkii caadiga ahaa ee lagu yaqaannay.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa subaxnimadii hore ka gaabsatay in ay bixiso warka ku saabsan soo qabashada Saddaam Xuseen.
Saddam Xuseen waxa uu ahaa ninka loogu doonista badnaa ee liiska Mareykanku soo saaray ilaa intii ay magaalada Baqdaad gacanta u gashay ciidamada xulufada bishii April ee innaga tagtay.
Subaxnimadii hore, Nazem Dabag, wakiilka Iiraan ee ururka waddaniyiinta Kurdistaan oo magaciisa loo soo gaabiyo PUK, ayaa isaguna sheegay in Saddaam Xuseen la soo qabtay oo la xiray.
Ciidamada isbahaysiga ee uu horkacayo Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore isku dayey in ay helaan meesha uu Saddaam Xuseen joogo, hase yeeshee wey ku guul-darreystay wixii habeenkii xalay ahaa ka horreeyey.
22-kii bushii Luulyo ayaa labadii wiil ee Saddam Xuseen ee la kala oran jiray Uday iyo Qusay, waxaa lagu dilay weerar ay ciidamada Mareykanku ku qaaden magaalada xagga woqooyi ku taalla ee Mosul.
Wax yar ka hor intii aanu afhayeenka milatariga ee Mareykanku ku dhawaaqin soo qabashada Saddaam Xuseen ayaa waxaa xaqiijiyey soo qabashadiisa ra'iisal wasaaraha dalka Britain, Tony Blair, isagoo sheegay in habeenkii xalay ahaa la soo qabtay Saddaam Xuseen, taasina ay mugdiga ka saareyso in uu Saddaam Xuseen mar kale ku soo noqon karo awoodda dalka Ciraaq.
Ku soo jawaab email ama text message adiga oo u soo diraya 07786 200 090.