You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Nin shahwad ku deeqis ah ku dhalay boqollaal carruur ah oo la amray inuu joojiyo

Wararka deg degga ah

Tebin toos ah

  1. Ciidamada RSF ee Sudan oo sheegay in weerar lagu soo qaaday

    Ciidamada u hawl gala deg degga ee (RSF) ayaa ciidamada kasoo horjeeda – ee millatariga caadiga ah ee Suudaan - ku eedeeyay dhowr weerar oo xagga cirka ah, oo lagu qaaday saldhigyada ay ku leeyihiin qaybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Khartuum, inkastoo ay jirtay xabbad-joojin soo socotay maalmo.

    RSF ayaa sheegtay inay dib u soo cusboonaadeen weerarada, inkastoo ay wali jiro xabad joojin.

    Ciidamada deg deg u hawl galista ee “RSF” ayaa waxay sheegeen in weeraradii u danbeeyey lala beegsaday xaafado ka tirsan caasimadda.

    Warbixin ay xalay soo saartay, oo ay heshay qeybta BBC Monitoring, ayay kooxdu ku sheegtay inay gacanta ku hayso inta badan magaalada Khartuum. Ma xaqiijin karto BBC-da warkan sugnaantiisa.

    Qaar ka mid ah iska horimaadyadii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay ciidamada iyo RSF, ayaa ka dhacay agagaarka xarunta dhexe ee ciidamada iyo Aqalka Jamhuuriya ee magaalada Khartuum - iyo qeybo ka mid ah magaalada Khartuum ee mataanaha ah ee Umdurman.

    Si kastaba ha ahaatee, qaybaha kale ee Khartuum iyo Khartuum Bahri, ee waqooyiga, ayaa waxaa ka jirta deganaanso buuxda.

    Dhinacyada iska soo horjeeda, ayaa si rasmi ah ugu heshiiyey in xabad joojin lagu kordhiyo 72 saacadood oo kale habeenimadii Khamiista.

  2. Haweeney loo xiray iney sidatay bastoolad dahab ah

    Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, ayaa lagu xiray dalka Australia, kadib markii boorsadeeda laga dhex helay qori, kaasoo ka sameysan 24 karat oo dahab.

    Haweeneydan oo aan la aqoonsan, ayaa kasoo dagtay magaalada Sydney, iyadoo ka timid Magaalada Los Angeles, mana heysan wax ogolaansho ah oo ay ku qaadato hubka, sida ay sheegeen ciidamada soohdimaha dalka Australia (ABF).

    Waxay ku muteysan kartaa haweeneydan heysashada hubkan 10 sano oo xarig ah.

    Sawirro ay soo gudbisay ABF, ayaa muujinayay muuqaalo laga qaaday garoonka diyaaradaha oo laga qaaday boorsooyinka haweeneyda, kaasoo muujinaya hubka ku dhex jira boorsadeeda.

    Sawir labaad, ayaa waxaa ka muuqday bastoolad, kadib markii bac uu ku jiray la furay.

    War qoraal ah oo uu soo saaray sarkaal ka tirsan ABF, ayaa lagu sheegay in tignoolajiyada casriga ah ee ogaanshaha waxyaabaha kala duwan, ay gacan ka geysatay joojinta hubka halista ah ee soo galaya dalka Australia.

    Saraakiisha ayaa sheegay in haweeneyda 28-jirka ah lagu soo oogay dacwad, ayna isniintii kasoo muuqatay maxkamadda deegaanka Downing Center, iyadoo markaa kadib lagu sii daayey damiin.

    Waxa kale oo ay wajihi kartaa in la joojiyo fiisaha dalkan ay ku joogto, lagana saaro Australia, iyadoo la sugayo natiijada kasoo baxda dacwadda uga socoto maxkamadda.

  3. Muxuu yahay Dhiig Karka qarsoon ee lagu sheegay da'yarta?

    Dad aad u tiro badan oo dhalinyaro ah, kuwaasoo oo ku nool Ingiriiska, ayaa waxaa lasoo haleelaya cudurka Dhiig Karka.

    Tiradooda guud, ayaa waxaa lagu qiyaasaa ilaa 170,000 oo qof, oo da'doodu ay u dhaxayso 16 ilaa 24. Dadkani ayaa waxa uu cudurka ku dhacaa iyagoon ka war qabin.

    Da yarta, ayaa waxay halis ugu jiraan cudurka Dhiig Karka, sida ay ka digeen khubaro.

    Taasi waa qiyaastii shan ka mid ah 100-kii dhallinyaro oo isugu jira rag, iyo dumar, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Xafiiska Tirakoobka Qaranka Ingiriiska.

    Inkasta oo laga yaabo inaanay jirin calaamado ama dhibaato heerka bilawga ah, balse wuxuu cudurkani culays dheeraad ah saarayaa Wadnaha iyo Xididdada Dhiigga.

    Dhiig Karka, ayaa ah cudurka ka danbeeya kala bar wadno-xannuunnada iyo istaroogga, kuwaasoo ka dhaca gudaha UK.

    Cudurkani ayaa iman kara da 'kasta, waana sababta ay dhakhaatiirtu u sheegeen in dhammaan dadka qaangaarka ah ay tahay inay si joogto ah u baaraan cadaadiska dhiigga, oo ay qaadaan tillaabooyin ay kaga hortagayaan waxyeellada muddada dheer.

  4. Colaadda Sudan: Darawalada oo dadka ku xujenynaya $40,000 si ay xadka uga gudbaan

    Qoys ka qaxay dalka Suudaan, ayaa sheegay inay ka mid yihiin kumannaan reer oo ku xayiran xadka Masar, sababo la xiriira darawallada oo dalbanaya $40,000 oo u dhiganta (£31,810), si loogga kireeyo ay soohdinta uga tallaabaan.

    Dadka ku safraya basaska oo kaliya, heestana ruqsadaha gaarka ah, ayaa ka gudbi kara xadka. Isaga kala tallaabista lugta, ayaa ah mamnuuc.

    Waxaa jira qoys ka kooban toddobo qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 10 sano jir, ayaa ka baxsaday dagaalladii ka dhacay magaalada caasimadda Khartuum laba maalmood ka hor.

    Fadi Atabani, ayaa sheegay in qoyskiisa, oo ay ku jirto haweeney 88 jir ah, ay ku xayiran yihiin xadka.

    "Halkan waxaa kusugan kumannaan dad ah. Ma jirto meel ay degaan.

    Xubnaha inta badan qoyskani, ayaa waxay heystaan dhalashada Ingiriiska, sidaas darted, Atabani, ayaa waxa uu ka codsanaya maamulka UK gargaar iney u fdiyaan.

  5. Kuuriyada Waqooyi oo digniin kasoo saartay heshiiska Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed

    Kim Jong-un oo ah haweeney la dhalatay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi aadna u awood badan, ayaa diginin kasoo saartay in heshiiska ay dhawaan gaareen dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed uu horseedi doono “khatar ka badan tii hore u jirtay”.

    Kim Yo-jong, ayaa sheegtay in kahortaga nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi "uu haatan gaarey halkii ugu sarreeyey", warbaahinta dowladda ayaa sidaasi soo gudbisay.

    Maraykanku ayaa waxa uu ogolaaday in la geeyo Koonfurta Kuuriya maraakiibta hubka Nukliyeerka ah, iyadoo maamulka dalkani uu dhankiisa ka jaan goynayo qorshahaha nukliyeerka, si loogga hortago khatarta nukliyeerka ee Waqooyiga.

    Taas cagsigeeda, Kuuriyada Koonfureed, ayaa waxay ogolaatay inaysan iyagu sameysan hubka Nukliyeerka, oo ay iyagu gaar u leeyihiin.

    Heshiiska - oo looggu magac daray Heshiiska Washington - ayaa lagu dhawaaqay toddobaadkan, intii lagu jiray wada hadalladii ay yeesheen Madaxweyne Joe Biden uu kula yeeshay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol, ee caasimadda dalka Mareykanka.

  6. Nin ku dhalay 550 caruur ah shahwad ku deeqis oo la amray inuu joojiyo

    Nin u dhashay dalka Holland oo loogga shakisan yahay inuu waalid u yahay in ka badan 550 carruur ah, oo adduunka oo dhan ku kala sugan, isaga oo ku deeqay Shahwada, ayaa lagu amray inuu joojiyo ku deeqista Shahwadiisa.

    Ninka oo lagu magacaabo Jonathan, oo 41 sabi jir ah, ayaa lagu ganaaxi doonaa in ka badan €100,000 (£88,000), haddii uu isku dayo inuu mar kale ku deeqo Shahwadiisa.

    Waxaa sanadkii 2017-kii laga mamnuucay in uu ugu deeqo Shahwaddiisa xarumaha bacriminta, ama ku abuurista ilmaha haweenka ee dalka Holland, kadib markii ay soo baxday inuu ku dhalay hannaanka Shahwad ku deeqista in ka badan 100 caruur ah.

    Laakiin halkii uu joojin lahaa, ayaa wuxuu ku deeqista Shahwadda uu u tallaabiyey meel ka baxsan dalka Holland oo dibadda ah, iyo Khadka internetka.

    Maxkamad ku taalla magaalada Hague, ayaa ku war galisay inuu keeno liiska dhammaan rugaha caafimaadka ee uu ugu deeqi jiray Shahwadda, isla markaana waxay maxkamaddu ku amartay inay baabi’iyaan Shahwadda ninkani.

    Ninkan ayaa la sheegay inuu marin habaabiyay boqolaal dumar ah.

    Hannaanka iyo shuruucda u dagsan daweynta ee dalka Holland, ayaa waxay tilmaamayaan in deeq-bixiyaha Shahwadda aanu waalid/aabbe u noqon Karin in ka badan 25 carruur ah, oo ka kala tirsan 12 qoys.

    Laakiin garsoorayaasha, ayaa sheegay in ninkan uu horseed ka ahaa ku soo saarista Shahwaddiisa caruur gaaraysa inta u dhaxaysa 550 ilaa 600, tan iyo markii uu bilaabay ku deeqista Shahwada sanadkii 2007-dii.

    Waxaa maxkamad la tiigsatay ninkani hay’ad ilaalisa xuquuqda carruurta Shahwadda ay ka dhasheen lagu deeqa, iyo hooyo dhashay mid kamid ah carruurta la sheegay inay in ay ku dhasheen shahwadda ninkani.

    "Aragtidu waxay tahay in shabakadan dadkan halka qof kasoo jeeda, islana socda iney walaalo yihiin, gaarayana boqolaal walaalo inay yihiin qoys aad u ballaran oo xadka ka baxay," afhayeen u hadlay maxkamadda, oo la yiraaahdo Gert-Mark Smelt, ayaa sidaasi sheegay.

    In ka badan 100 kamid ah carruurta ku dhalatay Shahwadda ninkani, ayaa ku dhashay xarumo caafimaad oo ku yaalla dalka Holland, iyo goobo kale oo si gaar ah loo leeyahay, balse waxa uu sidoo kale ugu deeqay xarun caafimaad oo laga leeyahay dalka Denmark, iyadoo Shahwadda ninkani markaa kadib dalal kala duwan.

  7. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.