You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Dad ku dhintay daadad kusoo rogmaday Baardheere

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxay beesha caalamku ku cadaadisay Puntland kadib shirkii Baydhabo?

  2. Itoobiya oo ku gacan seyrtay war kasoo baxay Mareykanka

    Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay warbixin kasoo baxday Mareykanka oo ku eedeyneysay ciidamada dowladda, kuwa gobolka Amxaarada iyo ciidamada Eritrea isla markaana ay dambiyo dagaal geysteen muddadadii labadii sano aheyd uu dagaalka ka socday halkaas.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya waxay warbixinta Mareykanka ku tilmaantaymid lasoo xushay oo daandaansi ah oo kala qeybsanaan horseedi karta si khaldana loola taliyay Mareykanka.

    Itoobiya waxay warbixintaku sheegtay mid xaq darro ah.

    Isniintii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya, Eritrea iyo Amxaarada ay geysteen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, balse wax eedeyn ah uma uusan jeedin jabhadda (TPLF).

    Anthony Blinken ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tagay Itoobiya toddobaadkii hore, tan iyo markii heshiis nabadeed ay kala saxiixdeen bishii November ee sannadkii hore dowladda federaalka iyo fallaagada Tigray.

  3. Duufaanta Freddy: In ka badan 400 qof lagu la’yahay Malawi

    Mas’uuliyiinta dalka Malawi ayaa sheegay inay korodhay tirada dadka la la’yahay kadib duufaanta loogu magac daray Freddy ee ku dhufatay halkaas, ilaa iyo hadda waxaa la waayay 427 qof xilli dalal badan ay gargaar banii’aadanimo gaarsiinayaan Malawi.

    Waaxda maareynta masiibooyinka ee Malawi ayaa Isniintii sheegtay in ay soo gaartay warbixinnada lagu qiimeynayo 15 gobol ay saameysay duufaanta.

    Dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin UK, Tanzania iyo Zambia ayaa koox u diray diray Malawi si ay uga qeyb qaataan howlaha lagu samatabixinayo dadka.

    Waa markii labaad oo bil gudaheed ay duufaantan ku dhufato dalalka Mozambique iyo Malawi,waxay duufaanta burburisay guryo badan , waxaana sidoo kale ka dhashay fatahaado.

  4. Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin Shabeellaha Dhexe

    Dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhig ciidan oo ay fadhiyeen ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka oo ku yaala tuulada Daaru Nicma oo ka tirsan degmada Ruun Nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

    Dadka deegaanka ayaa laga soo weriyay inay muddaba maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayeen.

    Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay dib u waabisay kooxda weerarka soo qaaday, isla markaana ay ka dishay 30 dagaalame.

    Al-Shabaab dhankooda waxay sheegeen inay dileen 20 ka tirsan ciidamada dawladda, dhaawaceena 10 kale.

    Illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya khasaraha dhabta ah ee uu dagaalku dhaliyay, marka laga soo tago sheegashada ka imaanaysa labada dhinac.

  5. Soomaaliya: “Arrinta deyn cafinta ma ahan mid la siyaasadeyn karo waa arrin qaran”

    Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegtay, in Soomaaliya ay ka gudubtay qiimeynta heerka shanaad ee hannaanka deyn cafinta.

    Qoraal ay soo saartay hay'adda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar wanaagsan ka samaysay dhinacyada shuruudda looga dhigay deyn cafinta, taasoo la filayo in la soo gebagabeeyo dhammaadka sanadkan.

    Wasiirka maaliyadda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa BBC-da uga warramay waxa ay ka dhigan tahay tallaabadan.

    “Waxaanu jecelanahay in walaalaheen iyo maamuladeena inay fahmaan arrinta deyn cafisku inay tahay arrin qaran oo umadda Soomaaliyeed oo dhan wada taabaneysa , arrin la siyaasadeyn kara aysan aheyn , ma aha qaabka ay u socoto deyn cafiska ma aha mid cidna wax u dhimaya cidna wax u kordhinaya, wax la dhaliili karo Meesha kuma jiro”, ayuu yiri wasiirka.

  6. Dad ku dhintay daadad kusoo rogmaday Baardheere,

    Warrarka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya, in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen kadib markii uu la tagay daad ka soo rogmaday tog ku yaala degmada Baardheere, sida ay BBC-du ka soo xigtay maamulka deegaanka.

    Daadka soo rogmaday ayaa ka dhashay roobbab maahigaan ah oo xalay dhawr saacadood oo xiriir ah ka da’ayay magaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda.

    Sedex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay daaddadka magaalada ku soo rogmaday, iyadoo sedex qof oo kalena wali lagu la’yahay togga ay ku dhaceen.

    Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo waxa xalay ka da’ay roobka guga, kaasoo dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen.

  7. Madaxweynaha Soomaaliya oo ansixiyay sharciyo kala duwan

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ansixiyay sharciyo kala duwan oo ay meel mariyeen laba gole ee Baarlamaanka.

    Sharciyadan ayaa kala ah:

    1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

    2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

    3 .Sharciga Socdaalka,

    4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

    5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

    6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

    7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

    8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

  8. Mareykanka: Shiinaha waa in uu ku cadaadiyo Putin in uu joojiyo dambiyada dagaal

    Mareykanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinpinguu ku cadaadiyo Vladimir Putinuu joojiyo dambiyada dagaal uu ka geysanayo dalka Ukraine.

    Putin iyo Xi Jinping ayaa maanta yeelanayo wadahadallo, madaxweynaha Shiinaha ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Moscow tan iyo markii uu Ruushka duullaan ku qaaday Ukraine.

    Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ayaa ugu baaqay Mr Xi inuu ku booriyo dhiggiisa Ruushka inuu ciidamadiisa kala soo baxo waddanka Ukraine.

    John Kirby ayaa sheegay in dadaallada lagu raadinayo in xabad joojin ay ka dhaqan gasho aysan kaliya ah waxbo tareyn.

    "Waxaan rajeyneynaa in madaxweyne Xi uu ku cadaadin doono madaxweyne Putin inuu joojiyo duqeymaha uu ka geysanayo magaalooyinka dhaca Ukraine, isbitaallada iyo goobaha waxbarashada, si loo joojiyo dambiyada dagaal iyo xasuuqa iyo sidoo kale in ciidamadiisa uu kala baxo halkaas," ayuu yiri Kirby.

    "Laakiin waxaan ka walaacsanahay in taas beddelkeeda in Shiinahu uu carabka ku adkeyn doono baaqyada xabbad-joojinta ah”

    Putin ayaa sheegay in uu ka hadli doono qorshe ka kooban 12 qodob oo uu soo jeediyay Mr Xi si loo "dejiyo xiisadda ba'an ee ka taagan Ukraine".

    "Waxaan mar walba diyaar u nahay geeddi-socodka wadahadallada," ayuu yiri Mr Putin.

    Shiinaha ayaa soo saaray qorshihiisa uu ku joojinayo dagaalka bishii hore - waxaa ka mid ah dib u bilaabidda wadahadallo nabadeed.

  9. Asalaamu Caleykum.

    Kulanti kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.