Hadal haynta dhanka Online-ka ee dalka Pakistan waxaa toddobaadkan hareeyay gaadiidka uu adeegsado Imran Khan oo dhawaan loo doortay Ra’iisulwasaarenimo.
Imran ayaa diyaaradaha
qumaatiga u kaca adeegsada marka uu ka baxayo guriga uu khaaska u leeyahay ee
uu u sii socda deegankiisa rasmiga ah oo 15km u jira.
Qaabka uu usafro
ayaa lagu dhaliilay in uu yahay mid ay dhaqaale badan ku baxdo, maadaama oo uu
horay u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono qaab dhaqanka xafiisyada iyo
siyaasiyiinta.
Wasiirka warfaafinta
ee Pakistan Fawad Chaudry oo damcay in uu difaaco ayaana hadal haynta sii huriyay.
Isaga oo shir jaraa’id
ka hadlaya ayuuna sheegay in adeegsiga diyaaradda qumaatiga u kacda aysan ahayn
qaali, halkii kiiloo mitirna ay ku baxdo 55 rupee oo u dhigantan $0.77.
“Google ayaan
arrintaas ku arkay” ayuuna sii raaciyay”
Dadka ayay ka
daadagi wayday in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay sidaas u riqiisan yihiin.
Dadka Pakistan ku
sugan ee adeegsanaya magaca #Helicopter ee Twitterka ku jira ayaana sare u
kacay, iyadoo eraygaas lagu soo daray 16,000 jeer qoraallo Twitter lagu soo daray Isniintii oo kali ah.
Dad badanna waxay
billaabeen in ay ku kaftamaan arrintan.
Qiimahaha saxda ah waa imisa?
Dadka ka biyo diiday hadalka wasiirka caddayn ma heli karaan? Jawaabta oo kooban waa haa?
Sida ay muujinayso cilmi baaris ay BBC Urdu samaysay diyaaradda uu Ra’iisulwasaaraha adeegsado ee nooceedu tahay Agusta Westland AW139, shidaalka ay adeegsato halkii kiiloo mitirba waa 1,600 Rupee oo u dhiganta $23, qiimahaas ayaana ka sarreeya 55 Rupee ee uu sheegay wasiir Chaudry.
Qiimahaas ayaana ah inta aan wali lagu darin kharashaadka kale een shidaalka ahayn ee ay diyaaradaha qumaatiga u kaca adeegsadaan.