Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka Jeff Sessions ayaa ka
jawaabay weerarkii u dambeeyay ee kaga yimaada Trump, isaga oo ku adkaystay in
waaxda caddaaladdu aysan goradda u laadlaadinaynin caddaadis dhanka siyaasadda kaga
yimaadda.
Arrintan ayaa soo cusboonaatay ka dib markii uu madaxweynaha
Maraykanku sheegay inSessions uusan maamulin waaxda uu xukumo.
Trump ayaan la gabanin eedaymaha uu u jeediyo waaxda
caddaaladda.
Waxaana si gaar ah
uga caraysiiyay sida ay waaxdaasi u maaraysay baaritaanka lagu hayo in Ruushku
uu farogaliyay Doorashadii Maraykanka ee 2016kii.
Sessions oo
billawgii taageeray ol’olaha Trump ayaa dhinac uga istaagay baaritaankaas, si
uu uga baaqsado in ay iska horyimaadaan masaaliixdiisa iyo baaritaankaas,
wuxuuna hawshaas u idmaday ku xigeenkiisa Rod Rosenstein.
Go’aankaas uu qaatay
Sessions iyo horumarka laga sameeyay baaritaanka uu wado Robert Mueller oo ah
dambibaare khaas ah oo hadda la sheegay in uu eegayo in Trump uu carqaladeeyay
caddaaladda ayaa horseeday in uu is hayn waayo madaxweyne Trump isaga oo afka
iyo Twitterkaba adeegsanaya.
Madaxweynaha ayaa ku
adkaysanaya in aysan wax wada shaqayn ah dhexmarin ol’olihiisii doorashada iyo
dawladda Ruushka, wuxuuna diiday in uu iskudayay in uu carqaladeeyo
caddaaladda.
Hadalladaas markay
is dhaafsadeen ka dib, labo xubnood oo sarsare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga
ayaa muujiyay in ay taageeri doonaan Trump haddii uu damco in uu shaqada ka
eryo Sessions wixii ka dambeeya doorashada xiliga dhexe ee Maraykanka ka
dhacaysa bisha Nofembar.
Si
kastaba ha ahaatee qaar kale oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa warbaahinta
Politico u sheegay in ay la tahay in tallaabadaasi ay tahay mid xun ayna garab
taagan yihiin xeer ilaaliyaha guud.