You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump: Carabta iyo Israa'iil way soo dhaweeyeen qorshahayga nabadda ee Qasa

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maxaa ka dhacaya Gaza iyadoo madaxdu ay ka wada hadlayaan qorshaha nabadda

    Dagaalka Israa'iil iyo Qaza ayaa ku dhow sannadguuradiisii ​​labaad. Iyadoo Trump iyo Netanyahu ay ku kulmayaan qorshe lagu soo afjarayo dagaalka, bal aan eegno waxa ka socda Gaza.

    Subaxnimadii Sabtida, weerar lagu qaaday guri ku yaal bartamaha Gaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 11 qof – oo in ka badan kala bar ay yihiin haween iyo carruur - sida ay sheegeen saraakiisha cisbitaalka al-Ahli Arab ee magaalada Gaza.

    Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in sagaal xubnood oo isku qoys ah ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay duqeynta Israa’iil ay ku qaaday xerada qaxootiga ee Nuseirat, waxaana la sheegay in ugu yaraan lix qof lagu dilay iyaga oo gargaar u doonay bartamaha iyo koonfurta Qaza.

    Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in sagaal xubnood oo isku qoys ah ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay duqeynta Israa’iil ay ku qaaday xerada qaxootiga ee Nuseirat, waxaana la sheegay in ugu yaraan lix qof lagu dilay iyaga oo gargaar u doonay bartamaha iyo koonfurta Qaza.

    Wararkii ugu dambeysay, wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada hadda ay gaartay 66,055 tan iyo 7 Oktoobar, 2023.

    Haddii aan dib idiin xasuusino, millatariga Israa’iil waxa ay Qaza ka bilaabeen olole ay kaga jawaabayaan weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo qiyaastii 1,200 qof lagu dilay, 251 kalena lagu qafaashay.

  2. Trump oo ka fiirsanaya in uu Ukraine siiyo gantaalada riddada dheer

    Mareykanka ayaa tixgalinaya codsi uga yimid Ukraine oo ku aadan gantaalada riddada dheer ee Tomahawk, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance.

    Si kastaba ha noqotee, Vance wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Donald Trump uu sameyn doono "go'aanka ugu dambeeya" ee arrinta.

    Kyiv ayaa muddo dheer ku baaqaysay in saaxiibadeeda reer galbeedka ay siiyaan hub garaaci kara magaalooyinka waaweyn ee Ruushka oo ka fog jiidda hore, iyagoo ku doodaya inay taasi ka caawin doonto Ukraine inay si dhab ah u wiiqdo warshadaha militariga ee Ruushka iyo soo afjarida dagaalka.

    "Haddii waxyeelada dagaalka Moscow ay aad sare ugu kacdo, waxa lagu qasbi doonaa in ay bilawdo wadahadallo nabadeed," ayuu yiri ku xigeenka gaashaandhigga Ivan Havryliuk oo la hadlay BBC-da.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa hoos u dhigay soo jeedinta Vance, isaga oo sheegay in aysan jirin wax xal ah oo wax ka beddeli kara xaaladda dagaalka ee nidaamka Kyiv.

    "Haddii ay tahay Tomahawks ama gantaallada kale, ma awoodi doonaan inay beddelaan dhaqdhaqaaqa," ayuu raaciyay

    Gantaalada Tomahawk ayaa gaari kara masaafo dhan 2,500 km (1,550 mayl), taas oo Moscow ka dhigi karta in Ukraine ay soo gaarto.

  3. Trump oo gadaal ka riixaya qorshe cusub oo nabadeed wadahadalka uu la yeelanayo Netanyahu

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeedin doona qorshe cusub oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka Israa’iil iyo Qaza inta lagu guda jiro wadahadal uu Aqalka Cad kula yeenayao Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu Isniintii.

    Trump ayaa ka hadlay rajada laga qabo in heshiis la gaaro, isagoo saxafiyiinta u sheegay Jimcihii: "Waxaan u maleynayaa inaan heshiis gaarno."

    Laakin Netanyahu ayaa Axadii sheegay "wali lama dhameystirin", halka Xamaas ay sheegtay in aan si rasmi ah loo soo dirin soo jeedinta.

    Sida laga soo xigtay nuqullada la faafiyay ee qorshaha oo ay daabaceen warbaahinta dibadda, Mareykanka, iyo Israa’iil, waxa uu dhigayaa in la sii daayo dhammaan la haystayaasha 48 saacadood gudahooda marka la xaqiijiyo heshiiska. Marka dib loo soo celiyo, Israa’iil waxay sii deyn doontaa boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah oo xabsi daa’im ku xiran.

    Xubnaha Xamaas ee ku kug leh go’aamada nabadda waxaa loo fidin doonaa cafis iyo inay si ammaan ah uga baxaan Gaza - kooxduna wax door ah kuma yeelan doonto mustaqbalka dhulkaas. Dhammaan dhismooyinkii ciidamada Xamaas ayaa la burburin doonaa.

    CiidamadaIsrael (IDF) ayaa si tartiib tartiib ah uga bixi doona Marinka Gaza waxaa maamuli doona dowlad ku meel gaar ah.

    Qorshahan ayaa u muuqda mid isbedel weyn ku sameynaya maamulka Trump, kaas oo horey ugu ololeynayay in la raro dhammaan shacabka Gaza oo dhan 2.1 milyan iyo in Gaza dib loo horumariyo oo laga dhigo “goob dalxiis” oo uu Mareykanku leeyahay.

  4. Doon siday muhaajiriintii ugu badneyd oo soo gaartay UK iyo Soomaali ku dhimatay dooni la qalibantay

    Doon yar oo ay saarnaayeen 125 qof ayaa jabisay rikoorka qaxootiga ugu badan ee taariikha ahaan hal mar kasoo gudbo Kanaalka Ingiriiska.

    Waxay ahayd markii ugu horreysay bishii Ogosto ee sannadkan oo ay soo gaaraan UK doon siday 106 qof.

    Tirokoobka Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxa uu muujinayaa in wadar ahaan 895 muhaajiriin ah ay kusoo gudbeen 12 doomood Sabtidii, Sebtembar 28, taas oo wadarta guud ka dhigaysa 33,000 tan iyo bilowgii.

    Safarkan rikoorka jabiyay ayaa yimid kadib markii meydka qof muhaajir ah laga helay xeebta u dhow Boulogne-sur-Mer ee waqooyiga Faransiiska subaxnimadii Sabtida, sida ay sheegtay AFP.

    Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warantay inuu ahaa nin dhalinyaro ah, balse lama xaqiijin da'diisa iyo dalka uu u dhashay.

    Baaritaan ayaa lagu samayn doonaa haddii uu jiro xiriir ka dhexeeya dhimashadii dhowayd iyo isku daygii kasoo gudbida meel u dhow Equihen-Plage.

    Goobta uu shilku ka dhacay, ayaa waxaa laga helay haweeney 49 jir ah oo la il-daran harraad (hypothermia), waxaana loo qaaday isbitaalka.

    Intaa waxaa dheer, laba haween ah oo Soomaali ah ayaa dhintay Sabtidii (September 28) ka dib markii ay dooni la qalibantay.

    Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay ilaa hadda iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan marinka u dhexeeya Faransiiska iyo UK.

  5. Xisbiga u janjeera Midowga Yurub oo ku guuleystay doorashada Moldova

    Xisbiga taageersan Yurub ee madaxweynaha Moldovan Maia Sandu ayaa sheegtay guul iyo aqlabiyad cusub oo baarlamaanka ah, doorashadii Axadii taas oo loo arkayey inay muhiim u tahay wadada mustaqbalka ee dalkeeda ee Midowga Yurub.

    Sandu ayaa ka digtay "faragelin ballaaran oo Ruushku sameeyo" ka dib markii ay codeeysay, iyadoo sheegtay in mustaqbalka Moldova, oo ay wada jiraan Ukraine iyo Romania, uu halis ku jiro.

    Hogaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka iyo Poland ayaa Moldova ugu hambalyeeyay "sida ay uga go'an tahay dimuqraadiyadda" -- inkastoo ay ku tilmaameen "faragelin aan horay loo arag oo Ruushku ku sameeyay" doorashadii baarlamaanka.

    Guusha aqlabiyadda leh ee xisbiga madaxweyne Maia Sandu ee taageersan Midowag Yurub (EU) waxay la macno tahay in ay hadda sii wadi karaan xubinnimada Midowga Yurub iyagoon ku tiirsanayn saaxiibada isbahaysiga.

    Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Moscow, oo helay wax ka yar afar meelood meel codadka, ayaa wacad ku maray in "aanu tanaasuli doonin," oo uu codsi u dirayo maamulka doorashada.

  6. 40 qof oo ku dhimatay isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay Hindiya

    Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay sabtidii xaflad olole loogu jiray jilaaga siyaasiga isku bedelay ee Vijay, taas oo ka dhacday koonfurta degmada Karur.

    Madaxa Tamil Nadu MK Stalin ayaa saxaafada u sheegay in dhibanayaasha ay ku jiraan sagaal caruur ah, ugu yaraan 17 haween ah iyo 13 rag ah. 51 qof oo kale ayaa lagu daweynayaa Cisbitaalka, ayuu yiri.

    Booliiska ayaa dacwad kusoo oogay xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga Vijay’s TVK. Eedeymaha culus waxa ay la xiriiraan dil iyo dayacaad ayay yiraahdeen.

    "TVK wuxuu markii hore codsiyo u diray kulan ay isugu yimaadeen 10,000 oo qof, laakiin dadka kasoo qeybgalay ayaa ka badnaa labalaab," sarkaal sare oo ka tirsan booliiska ,V Selvaraj ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

    Vijay ayaa khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay degmada Karur, iyadoo dadweynihii isugu soo baxay ay si lama filaan ah isugu soo baxeen, taas oo ku qasabtay inuu hadalka joojiyo.

    Dhowr saacadood ayaa dib loo dhigay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Muuqaallo laga sii daayay talefishinada ayaa muujinayay dad suuxsan.

    Magdhow dhan hal milyan oo Rupee ($11,300; £8,400) ayaa la siin doonaa qoysaska dadka dhintay sdia uu Madaxa gobolka Stalin uu sheegay, waxana jiri doona buu yiri baaritaan ku saabsan dhacdada.

  7. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay maxaabiista Laascaanood

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale bogaadiyay maamul-gobleedka Waqooyi-Bari ee dhawaan laga yagleelay Laascaanood. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu yahay maamul-goboleed ku yimid rabitaanka shacabka isalmarkaana uu ugu baaqayo xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta maamullada dariska la ah iyo horumarinta baahiyaha aasaasiga ah.

    "Dhismaha maamul-goboleedka waqooyi-bari kama dhigna in ay kala maarmeen deegaannada dariska la ah. Dawaladda federaalku waxay ka shaqayn doontaa wada noolaanshaha deegaannadaas iyo kuwa dariska la ah," ayuu yidhi madaxweynuhu.

    Madaxweynuhu geesta kale waxa uu ka hadlay arrinta ku saabsan maxaabiista.

    "Ma aha dhaqan Soomaaliyeed in maxaabiis la kala haysto. Bal se waxa dhaqan ah in ragga dagaalka lagu qabto la karaameeyo oo deegaannadooda dib loogu celiyo."

  8. Waxyaabaha uu ilaa hadda ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad toos ah ka jeedinaya kalfadhiga labada aqal ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay arrimo ay ka mid yihiin qabyo-tirka dastuurka iyo doorashooyinka oo uu sheegay in ay noqonayso taariikh cusub.

    La dagaalkanka al-shabaab ayaa dhinaca kale uu soo hadal qaaday. Waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay wax badan ka qabatay dhinaca amniga, isaga oo tusaale u soo qaatay sida uu ahaa xaalka caasimadda Soomaaliya sannado badan. Waxa uu arrintaasi ku ammaanay ciidammada Qalabka Sida iyo kuwo qabaa'ilka.

    "Waxaan u guntannay soo saarista khayraadka dalkeenna, gaar ahaan kan badaha. Bila soo socda waxa la bilaabayaa ceelkii shidaal ee ugu horreeyay, ayuu yidhi madaxweynuhu.

  9. Wasiir dil lagu xukumay kaddib markii musuqmaasuq lagu helay

    Wasiirkii hore ee Beeraha Shiinaha ayaa lagu xukumay dil, kaddib markii uu qirtay in uu qaatay in ka badan $38 milyan oo laaluush ah oo uu qaadanayay muddo ku dhow 20 sano.

    Tang Renjian oo 64 jir ah ayaa Axadii maxkamadda dhexe ee madaniga ah ee Changchun, gobolka Jilin, ku xukuntay dil. Maxkamaddu waxay sheegtay in "laaluushka aadka u badan" uu sababay "khasaare aad u weyn oo gaaray danaha dawladda iyo shacabka", taas oo mudan in lagu dhufto ugu sarreysa.

    Sharciga Shiinaha wuxuu dhigayaa in xukunka dilka oo dib loo dhigo laba sano la joojin karo haddii eedeysanuhu aanu fal dambiyeed kale samayn muddadaas.

    Caadi ahaan waxaa loogu beddelaa xabsi daa'in. Tang waxaa sidoo kale laga qaaday dhammaan xuquuqdiisa siyaasadeed iyo hantidiisii gaar ahaaneed, waxaana lagu amray inuu khasnadda dawladda ku wareejiyo lacagihii uu sida sharci darrada ah ku helay.

    Bayaan maxkamadeed ayaa faahfaahiyey sida Tang, oo xilal kala duwan ka soo qabtay, ugu dambeyntiina noqday guddoomiyaha gobolka Gansu (2017–2020) ka hor intii aan loo magacaabin wasiir. Waxa lagu eedeeyay in jagooyinkiisa uu uga faa'iidaystay ganacsiyo, qandaraasyo iyo dallacsiin shaqo. Laaluushkaasi wuxuu socday intii u dhaxaysay 2007 iyo 2024.

    Tang, isagoo ku hadlaya hadal dambeedkiisa maxkamadda, ayaa qirtay dambigiisa wuxuuna sheegay "inuu ka qoomameynayo" sida ay dhigayeen warbixinnada garsoorka.

    "Kiiska Tang wuxuu muujinayaa in dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa uu weli socdo, waana khatarta ugu weyn ee haysata Xisbiga Shuuciga," ayaa lagu yiri bayaan xisbiga kasoo baxay, iyadoo Xi uu marar badan ka digay in dhibaatadu weli sii kordhayso.

    Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey daahfurnaanta habka garsoorka ee Shiinaha ee kiisaska musuqmaasuq, halkaas oo eedeysanayaashu ay dhif tahay inay difaac dadweyne sameeystaan iyadoo maxkamaduhuna inta badan albaabada u xiran yihiin.

  10. Arrimaha la filayo in uu ka hadlo madaxweynaah Soomaaliya

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta furi doona kal-fadhiga.

    Madaxweynaha ayaa la filayaa khudbad ka jeediyo golaha. Inkasta oo aan la ogayn waxyaabaha rasmiga ah ee khudbaddiisu ka koobnaan doonto, haddan waxa laga yaabaa in uu dirradda ku saaro wakhtiga dawladda u hadhay iyo waxyaabaha la xiidhiidha doorashooyinka lagu muransan yahay iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee muqdisho ka dhacay?

  11. Maxaa ka jira in ay hore u gaboobaan carruurta uu aabbahood sigaarka cabbo?

    Saynisyahanno ayaa sheegay in laga yaabo in ay si dhakhso leh u gaboobaan haddii aabbahood uu sigaar cabbi jiray xilliga qaangaadhka. Daraasad cusub ayaa ogaatay in wiilasha da'doodu tahay 15 jir iyo ka yar oo sigaar cabba ay dhaawici karaan unugyada shahwada ee weli samaysmaya, taasi oo saamayn karta carruurtooda mustaqbalka.

    Cilmi-baadhayaashu waxay falanqeeyeen ku dhawaad 900 muunadood oo dhiig ah iyaga oo baaraya calaamadaha gabowga ee ku jira hidde-sidaha DNA-da qofka. Waxay ogaadeen in carruurta uu aabbahood bilaabay sigaar-cabbista intii lagu jiray xilliga qaangaarka ay celcelis ahaan u egyihiin kuwo 9 bilood ilaa hal sano ka weyn da'dooda rasmiga ah — waxaana laga digay khatar sare oo dhalin karta cudurro ay ka mid yihiin kansarka.

    Waxay sidoo kale ogaadeen in aanay jirin hab cad oo muujinaya gabow degdeg ah dadka ay hooyadood sigaar jirtay uurka ka hor.

  12. Sidee uga hortagi kartaa dhagxaanta ku sameysma Kelyaha iyo Xameetida?

    Jirku wuxuu leeyahay awoodo la yaab leh siyaabo badan u shaqeeya. Mid ka mid ah awoodiisa cajiibka ah ayaa ah inuu soo saaro dhagxaan. Inta badan waxaan maqalnaa dhagxaanta kelyaha ama dhagxaanta xameetida. Laakiin waxaa jira noocyo kale oo dhagaxyo ah oo jirku ka sameysmo.

    Dhagxaanta ayaa dhibaato ku keena marka ay xiraan kaadi mareenka, labada tuubbo ee kaadida ka soo qaada kelyaha una gudbisa kaadiheysta.

    Haddii tani dhacdo, waxay keeni kartaa xanuun daran oo dhabarka hoose ahiyo in qofka ay kaadida ku istaagto. waxa arrintan ka dhalan karta caabuqa ama kaadida oo ku ururta gudaha iyo hareeraha kelyaha.

    Dhagxaanta kelyuhu waxay laga helaa tobankii qofba mid. Waxay ka soo baxdaa inta badan kalsiyum iyo kiimikooyinka milixda, kuwaas oo ka soo daata dhiiga kaadida.Sii akhri

  13. Maxaa looga hadli doonaa kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya ee maanta furmaya?

    Magaalada Muqdisho waxa maanta la filayaa in uu dib furmo kalfadhi ay yeelanayaan barlamaanka Soomaaliya oo fasax ku maqnaa tan iyo 22-kii bishii June ee sanadkan. Inkastoo horey loo shaaciyay in kulamada barlamaanku bilowdaan 20-kii bishan, haddana lama sheegin sababta dib loogu dhigay oo maanta soo gaarsiisay.

    Kalfadhigan ayaa u muuqda in uu noqonayo kii ugu dambeeyay maaddaama muddo -xileedkiisa ay ka hadhay wax ka yar toddoba bilood.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta furi doona kal-fadhiga.

    Ajdendayaasha la filayo in lagaga hadlokaladhiga labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxa ka mid ah dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya, heshiiskii madaxweynaha iyo madasha samatabixinta.

    Bilaha u hadhay baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in uu wax ka qabto arrimaha doorashada.

  14. Trump: Carabta iyo Israa'iil waxaan ka helay jawaab wanaagsan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in "qof walba uu doonayo inuu heshiis ka gaaro" qorshaha nabadeed ee Qasa, wuxuuna rajeynayaa inuu soo gabagabeeyo kulanka uu la yeelanayo Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Isniinta maanta ah.

    Wareysi uu khadka taleefoonka ku siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu intaas ku daray in uu "jawaab aad u wanaagsan" ka helay Israa'iil iyo madaxda Carabta oo ku saabsan hindisaha.

    "Soo jeedintu maahan oo kaliya Qasa, laakiin waxay ku saabsan tahay in nabad ballaaran laga gaaro Bariga Dhexe," ayuu yiri Trump.

    Dhanka kale, Trump wuxuu sheegay Axaddii in ay jirto "fursad dhab ah oo lagu gaaro guulo waaweyn oo laga gaaray Bariga Dhexe

  15. Subax Wanaagsan

    Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da. Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxa aad kala socon kartaa baraha bulshada sida Facebook, Youtube, X iyo barta internet-ka ee bbcsomali.com