You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Tahriibayaal kasoo jeeday Geeska Afrika oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Yemen

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Kooban

  • Ten Hag oo sii ahaanaya maamulaha Man Utd
  • Ururro caalami ah oo ku baaqay joojinta mamnuucidda xijaabka ee orod-yahannada Faransiiska
  • Mareykanka oo soo jeediyay qorshe kale haddii uu fashilmo qaraarka xabbad-joojinta Gaza
  • Dalal badan oo Yurub ku yaalla oo qaati ka taagan kaneecada

Tebin toos ah

  1. Hunter Biden oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka oo ay maxkamadi dembi ku heshay

    Hunter Biden oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu helay dambi ah inuu ka been sheegay isticmaalka daroogada markii uu iibsanayay qori.

    Saddex saacadood oo dood ah ka dib, xeerbeegtida ayaa ku helay dambiga saddexda eedeymood.

    Hunter ayaa wajahaya ugu badnaan 25 sano oo xarig ah dhammaan saddexda dambi. Taariikhda saxda ah ee la xukumayo lama sheegin, Garsooraha ayaasa sheegay in taariikhaha xukunku ay caadiyan ku dhacaan muddo 120 maalmood gudahood ah.

    Hunter waxa uu muujiyey dareen yar markii la akhriyey xukunnada dembiyada, isaga oo hore u eegaya gacmihiisu isku laabnaa ka hor inta aanu u soo jeesan si uu u hab u siiyo qaar ka mid ah saaxiibbadiisa, kooxdiisa sharciga ah.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in uu aqbali doono natiijada kasoo baxda kiiska, uuna sii wadi doono in uu ixtiraamo nidaamka garsoorka maadaama Hunter uu ka fekerayo racfaan.

    Madaxweynaha ayaa ku celceliyay inuu garab taagan yahay wiilkiisa. "Waligey ma beddeli doono taas," ayuu yiri.

    Madaxweyne Biden ma cafin doonaa wiilkiisa? Maadaama uu awood u leedahay in uu bixiyo cafis, laakiin madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in uusan ka cafin doonin wiilkiisa dembiga lagu helay.

  2. Khasaaraha dhaqaalle ee ka dhashay El-nino oo lagu qiyaasay in ka badan 170 milyan oo doolar

    Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qiimeynta khasaarihii ka dhashay fatahaadihii iyo daadadkii El-nino ee sanad kii hore ku dhuftay Soomaaliya.

    Warbixintan oo ay iska kaashadeen Dawladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Baanka aduunka ayaa lagu sheegay in khasaaraha dhaqaale ee El-nino ka dhashay ay ka badan tahay 170 milyan oo doolar.

  3. Qabuuraha Iskool Buluusiya oo ay ka bilaabatay in dadku ay la baxaaan eheladooda ku aasan halkaasi

    Maantay waxa magaalada Muqdisho, gaar ahaan qabuuraha Iskool Buluusiya kabilowday in ay dadku la baxaaan eheladooda ku aasan halkaasi, kuwaas oo sanado kala duwan lagu xabaalay.

    Soo bixinta meydadkan ayaa dabo joogta, kadib markii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay si rasmi u shaacisay iney u baahantay dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya .

    Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Culumaa'udiin tagay dhulka Qabuuraha Iskuul Buliisiya ayaa ku baaqay in deg deg qabuuraha lagu saaro dadka ku aasan.

    Ehelada ayaa durbadiiba saaka ku xoomay qabuuraha si ay meydadka ugala baxaan walow uu jiray jah wareer baahsan, warbaahinta qaar ayaa ku warrantay in dadka lagu xujeynayay warqado ay lacago siistaan si loogu fasaxo in ay lafaha dadkoodii lasoo baxaan.,

    Hasa yeshee Cabdiqani Xasan Xaashi oo kamid ah dadka ay eheladu ugu aasanyihiin qabuuraha Iskool Buluusiya oo BBcda la hadlay aya beeniyay in wax lacag ah la weeydiiayy amaba laga qaaday markii uu dowladda hoose Muqdisho ka qaadanayey warqadda ogolaashaha si uu meeydka eheladiisa ula baxo.

  4. Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay ka argagaxday saamaynta ka dhalatay samato bixinta la haystayaasha Israa'iil

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dilkii ciidamada Israa’iil ay u geysteen dad badan oo rayid ah intii lagu guda jiray badbaadinta afar qof oo lagu haystay Qaza Sabtidii in ay noqon karto dambiyo dagaal.

    Afhayeen u hadlay xafiiska xuquuqul insaanka ee hay’adda ayaa intaa ku daray in Xamaas ay wajihi karto dacwad la mid ah taas oo ku saabsan in maxaabiista lagu hayo goobaha ay dadku ku badan yihiin.

    Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in in ka badan laba boqol iyo todobaatan Falastiiniyiin ah lagu dilay hawlgalkii badbaadinta ee Sabtidii ka dhacay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza.

    Afarta nin ee Israel ee afduubka loo haystay ayaa dib ula midoobay qoysaskooda.

  5. Nigeria, Dabley hubeysan oo ugu yaraan 25 qof ku dilay weerar ay ku qaadeen tuulo

    Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay qaar kalena waa la afduubtay kadib markii dabley hubeysan ay gobolka Katsina ee waqooyi-galbeed ee Nigeria ka fuliyeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

    Tobaneeyo dabley ah oo mootooyin watay ayaa goor dambe oo Axadii ah weerar ku qaaday Yargoje oo tirsan Kankara, sida uu BBC Hausa u sheegay guddoomiyaha gobolka ee dhanka ammaanka Nasiru Babangida Mu'azu.

    Weerarrada ay gaysanayaan kooxo hubaysan – oo loogu yeero maxalli ahaan shufto – ee waqooyi-galbeed iyo bartamaha Nigeria ayaa noqday kuwo joogto ah, iyadoo maamulku u muuqday mid aan awood u lahayn inay joojiyaan, inkastoo dawladda iyo ciidamada ammaanku sheegeen inay ku hawlan yihiin soo afjaridda ammaan-darrada baahsan.

    Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in tobanaan dabley ah oo watay mooto bajaaj ay gudaha u galeen bulshada dhexdeeda, iyaga oo si aan kala sooc lahayn u tooganayey, isla markaana dhac u geysanayay dukaamada ka hor inta aysan afduuban tiro aan la cayimin oo ka tirsan dadka tuulada.

    "Dadka ay dileen kooxaha burcadda ayaa ka badan 50-qof, waayo waxaa weli duurka laga soo helayaa maydadka qaar," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa la sheego.

  6. Diyaaradda uu Madaxweyne ku xigeenka Malaawi saarnaa ee la la’aa oo aanay cidina ka badbaadin

    Madaxweyne ku xigeenka Malawi iyo dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarad militari oo la waayay isniintii ayaa "ku dhintay shilkaasi diyaaradeed ",.

    Madaxweynaha dalka Lazarus Chakwera ayaa sidaasi sheegay. Haraaga burburka diyaaradda ayaa laga helay meel u dhow buur "taas oo gebi ahaanba burburtay" iyadoo aanay jirin cid ka badbaaday, ayuu yiri.

    Burburka diyaaradda uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi cidina kam badbaadin, sida uu sheegay madaxweyne Lazarus Chakwera.

    Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa ku duulayay gudaha dalka subaxnimadii Isniinta markii diyaaradooda laga waayay raadaarka garoonka.

    Diyaaradan oo ahayd mid militari ayaa ku socotay jawiga oo xun.

    Askartu waxay baarayeen kaynta Chikangawa iyagoo isku dayaya inay helaan diyaaradda.

    Warbixin kooban oo uu siiyay maantay oo Talaado ah, ayuu madaxweyne Chakwera ku sheegay in taliyaha ciidamada difaaca Malawi uu ku wargeliyay in howlgalkii baadigoobka iyo samatabbixinta lasoo gabagabeeyay lana helay diyaaraddii.

    Mr Chakwera waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in uu Malawi u sheego masiibadaas foosha xun.

  7. Ganacsatada Soomaalida ee Islii oo ka walaacsan hadal uu sheegay madaxweynaha Kenya

  8. Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Malawi ee la la'aa oo war uu kasoo kordhay

    Diyaaraddii sidday madaxweyne ku xigeenka Malawi ayaa laga yaabaa inay ku burburtay keymaha waqooyiga dalkaas, sida uu sheegay sarkaal sare oo militariga dalkaas ka tirsan.

    Saulos Chilima iyo sagaal kale ayaa gudaha dalkaasku safrayay shalay subax kaddib markii diyaaraddooda laga waayay qadka garoonka.

    Diyaaradda, oo ah mid militari, ayaa ku duuleysay cimilo xun.

    Saraakiisha ayaa ka baadigoobayay Keymaha Chikangawa si ay diyaaradda u helaan.

    Madaxweyne Lazarus Chakwera ayaa sheegay in howlgalkan uu sii socon doono ilaa diyaaradda laga helo.

    Wuxuu u sheegay dadka reer Malawi mar uu shalay fiidkii khudbad jeedinayay: "Waxaan ogahay inaan dhammaanteen walaacsannahay oo aan naxsannahay - aad ayaan u walaacsanahay." Ayuu yiri.

  9. Qiimeynta khasaaraha ka dhashay daadadkii El-Niño oo Muqdisho lagu soo bandhigayo

    Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shir lagu soo bandhigayo warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay daadadkii El-Niño ee sanadkii hore.

    Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, tamarta, xanaanada xoolaha, qorsheynta, wasiiru dowlayasha waxbarashada, beeraha, iyo guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka, iyo sidoo kale kale safiirro, wakiillo ka socda Qaramada Midoobey, Bankiga Adduunka iyo Midowga Yurub.

  10. Macallimiin Ameerikaan ah oo lagu tooryeeyay Shiinaha

    Afar macallin oo jaamacad dhigayay ayaa isbitaal la dhigay kadib markii uu qof aan la aqoon ku tooryeeyay beer lagu nasto oo ku taalla Shiinaha.

    Macallimiintan Kuleejka Iowa Cornell ayaa si xun loo dhaawacay xilli ay booqanayeen beerta oo ku taalla gobolka waqooyiga ee Jilin, sida lagu sheegay war kasoo baxay kuleejka.

    Wakiilka Iowa Adam Zabner ayaa sheegay in walaalkiis, David, uu ka mid ahaa afarta macallin ee lagu dhaawacay dhacdadan.

    Wuxuu sheegay in kooxdan ay booqanayeen macbad markii uu soo weeraray nin toorrey ku hubeysnaa.

  11. QM oo u codeysay taageeridda qaraarka Mareykanka ee xabbad-joojinta Gaza

    Golaha ammaanka ee QM ayaa u codeeyay taageeridda qorshaha uu Mareykanku wado ee xabbad-joojinta loogu soo dabbaalayo Gaza.

    Qorshahan ayaa waxaa ka mid ah shuruudo la hor dhigayo xabbad joojin buuxda oo dhammeystiran, sii deynta dadka ay heystaan Xamaas, soo celinta meydadka dadkii la heystay iyo is dhaafsiga maxaabiista Falastiiniyiinta.

    Ilaa 14 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay qaraarkan. Ruushka ayaa ka gaabsaday.

    Qaraarka ayaa dhigaya in Israa'iil ay aqbashay qaraarka xabbad-joojinta, wuxuuna ugu baaqayaa Xamaas inay sidoo kale aqbasho.

  12. Tahriibayaal kasoo jeeday Geeska Afrika oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Yemen

    Ilaa 38 qof oo tahriibayaal ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa ku dhintay doon ay la socdeen oo ku degtay xeebaha dalka Yemen.

    Kalluumeysatada ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad ​​80 qof balse ku dhawaad 100 kale ayaa lagu soo waramayaa in wali la la’yahay.

    Maamulka degmada Rudum, ee bariga Cadan, ayaa sheegay in dadkii doontaa saarnaa ay badankood tahriibayaal ahaayeen, ayna badankood kasoo jeedeen Itoobiya, muhaajiriintaas oo Yemen u adeegsada marin ay ku gaaraan dalalka Gacanka.

    Hadi Al-Khurma, madaxa degmada Rudum, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in doontu ay quustay kahor inta aysan xeebaha soo gaarin.

    Sida laga soo xigtay Qaramada Miodobay, 97,000 muhaajiriin ah ayaa sanadkii hore gaaray Yemen kuwaasoo ka yimid Geeska Afrika.

    Kororka ayaa yimid iyadoo dagaalka Yemen uu socdo iyo weerarradii dhowaan ee Xuutiyiinta ay ku qaadayeen Maraakiibta maraya Badda Cas.