You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

lubnaan oo walaac ka muujisay dagaalka Israa'iil iyo Xisbullah

lubnaan oo walaac ka muujisay dagaalka Israa'iil iyo Xisbullah

Tebin toos ah

  1. Duqii ballan-qaaday inuu si adag uga hortagi doono dembiyada oo isaga dembi loo heysto

    Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad maanta waxaana loo heystaa laaluush, wax is daba marin iyo ku lug lahaanshaha olole deeq oo dibadda ka timid oo sharci-darro ah.

    Dacwaddan oo shalay laga soo gudbiyay ayaa sheegeysa in Adams uu dalbaday uuna oggolaaday deeq sharci-darro ah oo olole uu ku galay iyo ilaa $100,000 (£75,000) oo lacag safar uu ku galay oo uga timid rag ganacsatada Turkiga ka mid ah.

    Adams, oo 64 jir ah, waa sarkaal booliis oo hore kaasoo loo doortay inuu hoggaamiyo magaalada ugu dadka badan Mareykanka ku dhowaad saddex sano kahor isagoo ballan qaaday inuu si adag wax uga qaban doono dembiyada.

    Duqa ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay wuxuuna ka biyo diiday baaqyada isa soo taraya ee ah inuu is casilo.

    Haddii lagu helo, duqa wuxuu wajihi karaa ilaa 45 sano oo xabsi ah.

  2. Gantaallo lagu garaacay waqooyiga Israa'iil

    Gantaallo ayaa lagu ganay waqooyiga Israa'iil - ciidamada Israa'iil ee IDFayaa sidaasi sheegay.

    IDF ayaa saakay war kasoo saartay xaaladda Tiberias iyo Haifa - oo labaduba dhaca waqooyiga Israa'iil.

    Waxay sheegtay in ilaa "10 gantaal la arkay inay kasoo gudbeen Lubnaan".

    "Qaar ka mid ah gantaallada ayaa laga hortagay qaar kalena waxay ku dhaceen meelo bannaan ah," sida uu militarigu sheegay.

    Dhanka kale, warbaahinta Israa'iil ayaa ku warrantay in gantaal uu ku dhacay meel bannaan ah oo ka tirsan Tiberias.

  3. Duufaan xooggan oo ku dhufatay gobol ka tirsan Mareykanka

    Barasaabka gobolka Florida ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in duufaanta xoogga leh ee Hurricane Helene, ay ku dhufatay waqooyiga gobolka Mareykanka.

    Ron DeSantis ayaa sheegay in hal qof uu dhintay, wuxuuna ka digay in khasaaraha duufaantu sii kordhi karto.

    Dadka rayidka ah ayuu ugu baaqay in ay ku nagaadaan guryaha, waxaana haatan socda howlaha gurmadka.

  4. Lubnaan oo sheegtay in Bariga Dhexe ay khatar ku jirto dagaalka Israa'iil iyo Xisbullah awgii

    Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Lubnaan, ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u sheegay, in dhammaan Bariga Dhexe uu khatar ugu jiro colaad, maadaama uu weli sii soocdo dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo kooxda Hezbollah.

    Cabdallah Xabiib, ayaa sheegay, in loo baahan yahay faragelin degdeg ah oo caalami ah.

    Dhanka kale, wasaaradda Difaaca Israa'iil auaa sheegtay, in aysan joojin doonin bartilmaameedka kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.

    Xulafada ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay xabbad joojin ku-meel-gaar ah oo ka dhacda Lubnaan, kaddib markii uu si xooggeystay dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo Hezbollah.

    12 dal ayaa ku baaqay 21 maalmood oo la joojiyo dagaalka, si loo gaaro heshiis isla markaana ay xabad joojin ka dhaqan gasho Qasa.

    Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa Khamiisti shaacisay in 40 qof la dilay halka 80 kalena la dhaawacay kadib weerarr ay Israa'iil ka fulisay koonfurta waddanka Lubnaan afar iyo labaatankii saac ee u dambeeyay.

    In ka badan laba boqol oo bartilmaameed oo Xisbullah ayaa lagu soo warramayaa in la duqeeyay.