Dowladda Jarmalka oo aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya
Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheecisay in dowladda Jarmalku si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka dimlomaasiga ah ee Soomaaliya. War qoraal ah oo hay'addu soo saartay ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay xoojinta "xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta socdaalka labada dal".
Go'aankan ay dowladda Jarmalku ku aqoonsatay baasaboorka dilomaasiga ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu daabacay warbaahinta dowladda. Warka ka soo baxay Hay'adda Socdaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay sidoo kale in tallaabadan ay qayb ka tahay dedaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta adeegyada dhanka amniga sharciga, safarka iyo casriyeynta adeegyadan.