You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqorka cusub oo tacsi ka dhageystay baarlamaanka UK

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha Golaha wadatashiga iyo war-muriyeed lagaso saaray

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasoo socday muddo laba maalmood ah.

    Shirka oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed,Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isagu kaga qeyb-galay aalladda fogaan aragga.

    Mudadii uu shirku socay waxaa looga hadlay sidii dadaka ay abaaruhu saameeyeen looga samata bixin lahaa, sidoo kale arrimaha amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa, gebo bebadi ayaana shirka lagaso saaray qodobadaan hoos ku xusan.

    1) Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa

    galay xaalad adag, hadaba Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu

    go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka

    tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka in

    ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. Goluhu

    wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda is kugu

    gurmadaan. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayuu Goluhu ugu baaqay in

    ay laba jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

    2) Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka

    argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta

    ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka

    qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

    3) Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan

    qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka,

    ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan

    dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka

    Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada

    qalabka sida.

    4) Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada

    Soomaaliland.

    5) Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda

    ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u

    ah dawladnimada.

    6) Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed

    oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

    7) Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri

    doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.

  2. Madaxweynaha Masar El-Sisi oo 8 sano kadib booqasho ku tagaya dalka Qatar

    Al-Sisi ayaa berri u safri doona Dooxa, waana booqashadii ugu horreysay muddo 8 sano ah, Ilo xog-ogaal ah oo Masari ah ayaa BBC-da u xaqiijiyey.

    Warbaahinta Masar iyo Carabaha kale ayaa waxa ay baahiyeen in Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi uu booqasho laba maalmood ah berri oo Talaado ah uga billaaban doono magaalada Dooxa, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.

    waa booqashadii ugu horreysay ee Sisi uu ku tago Qatar tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada Masar qiyaastii 8 sano.

    Amiirka Qatar ayaa dhamaadkii bishii June ee ina dhaaftay booqasho ku tagay magaalada Qaahira, waxaana uu wadahadalo laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha Masar, waxaana xigay wadahadalo dheeri ah oo dhex maray wufuud ka kala socotay labada dal.

    Waqtigaas, wadahadalada waxaa ka mid ahaa faylasha dhaqaalaha ee tamarta iyo qaybaha beeraha iyo kor u qaadida qulqulka maalgashiga Qatar ee Masar, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar.

    Qatar ayaa tan iyo bilowgii sanadkan sameysay maal-gashi lagu qiyaasay ilaa shan bilyan oo dólar.

    Booqashada labada dal ee Qaahira iyo Dooxa ayaa timid ka dib markii uu dhammaaday khilaaf horraantii sannadkii hore u dhexeeyay Qatar oo dhinac ah iyo Masar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Baxrayn oo iyagana isku dhinac ahaa.

  3. Kenyatta oo marki ugu horreysay la kulmay Ruto

    Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta.

    Ruto ayaa gaaray madaxtooyada gelinkii danbe ee maanta, waxaana ku qaabilay madaxweynaha martida loo ahaa ee Uhuru Kenyatta.

    Booqashada Madaxweynaha la doortay ayaa waxaa ku wehlineysay xaaskiisa Rachel Ruto.

    Waa markii ugu horeysay oo ay kulmaan labadooda tan iyo markii ay Kenyan-ka ka qeyb galeen codbixintii lagu dooranayay madaxweyne cusub.

    Labadan masuul ayaa is khilaafay horraan ka dib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu taageeray hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga doorashadii dhowaan dhacday.

    Kulankooda ayaa ku soo beegmaya maalin ka hor xafladda dhaarinta madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

    Ku dhawaad ​​20 hogaamiye oo ka kala socda dalal kala duwan ayaa la xaqiijiyay inay ka qeyb galayaan xafladda beri oo Talaado ah.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Bidden, ayaa Sabtidii, ku casuumay shan wafuud inay ka soo qaybgalaan xafladad, oo uu ka mid yahay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Meg Whitman.

    Ruto ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo kadib markii uu ka guuleystay musharraxa mucaaradka Raila Odinga.

  4. Shuban-biyood ka dillaacay Kismaayo

  5. Boqor Charles III oo gaaray Edinburgh

    Boqor Charles III ayaa gaaray qasriga Holyroodhouse ee ku yaalla Edinburgh ee caasimadda Scotland.

    Boqorka iyo Camilla oo ah xaaskiisa ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay halkaas, waxaana la arkayay iyagoo salaamay dadweyne, Naxashka boqoradda ayaa yaalla Edinburgh.

  6. Faahfaahin kasoo baxeysa qarax xaley ka dhacay deegaan ka tirsan Sanaag

    Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax xalay ka dhacay deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag halkaas oo ay wararka sheegayaan in ugu yaraan laba qof oo mid uu yahay qof rayid ah ay ku dhinteen.

    Dhowr iyo toban qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerrarkaasi oo madax deegaankaasi ay ku eedaynayaan inay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.

    Cabdirashiid Cali taliyaha ciidamadii xaley la weeraray ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen.

  7. Ukraine oo deegaanno badan ka qabsatay ciidamada Ruushka

    Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay dib ula wareegeen tuulooyin gaaraya 20 xilli ay wadaan dagaal ka dhan ah Ruushka xilli uu dagaal ka socda waqooy bari dalkaas.

    Wasiirka gaashaandhigga Ukraine Oleksii Reznikov ayaa sheegay in haatan diiradda ay saarayaan sidii ay u qabsan lahaayeen deegaanno hor leh iyadoo howlgal xooggan uu ka socdo gobolka Kharkiv.

    Ciidamada Ruushka ayaa ka cararay qalab iyo hub badan iyagoo isaga baxay deegaannadii ay horey u qabsadeen.

    Ruushka ayaa Axaddii gantaallo dhowr ah ku garaacay guud ahaan Ukraine kuwaasoo xargihii adeegyadii korontada iyo dhuumaha biyaha.

    Madaxweynaha Ukraine Zelensky wuxuu ku eedeeyay Ruushka in uu bartilmaameedsanayo adeegyada muhiimka ah si uu ugu dhaqaaqo tallaabo aargoosi ah kadib kadib guuldarrada uu kala kulmay dagaalka.

  8. Boqorka oo u duulay dhinaca caasimadda Scotland

    Boqor Charles III iyo boqorad Camilla oo ah xaaskiisa ayaa ka dhaqaaqay baarlamaanka Westminster Hall.

    Charles iyo Camilla waxay u duuleen caasimadda Scotland ee Edinburgh, boqorka ayaa wuxuu gadaal ka socon doonaa naxashka boqoradda oo laga qaadi doono qasriga Holyroodhouse isla markaana la geyn doono kaniisadda St Giles.

    Boqorka wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa wasiirka koowaad ee Scotland ka hor inta uusan tegin baarlamaanka Scotland si uu dhageysto tacsida kadib geerida ku timid hooyadii Elizabeth II.

  9. Boqorka cusub oo tacsi ka dhageystay baarlamaanka UK

    Boqor Charles III ayaa maanta booqday baarlamaanka Westminster Hall isaga oo tacsi ka dhageystay labada gole.

    Wuxuu uga mahadceliyay tacsida baarlamaanka oo uu ku sheegay inay ka dhigan tahay halka boqoradda ka joogtay dalkaas.

    “Baarlamaanka waa waxa hadda nool ee u muhiimka u ah dimuqraadiyaddeena” ayuu yiri boqor Charles.

  10. Khilaaf ka dhashay markii warbaahinta gudaha laga hor istaagay baahinta caleemo saarka Ruto

    Kooxda warbaahinta u qaabilsan madaxweynaha la doortay ee Kenya ayaa warbaahinta gudaha ka hor istaagay inay baahiyaan munaasabadda caleemo saarka cusub ee lagu wado in berri la dhaariyo.

    Kooxda waxay ogolaansho ay ku baahinayaan xafladdaas siiyay oo kaliya ah shirkadda Multichoice Kenya Ltd oo xiriir la leh shirkadda laga leeyahay Koonfur Afrika ee pay-TV group.

    Warbaahinta qaran ee Kenya ee KBC ayaa saami yar ku leh shirkadda Multichoice Kenya Ltd.

    Warbaahinta gudaha ayaa xogta tebinta tooska ah ka qaadan doonaa shirkaddaas maadama kaligeed la siiyay ogolaanshaha baahinta munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha la doortay.

    Inkasta oo aan wax faahfaahin ah laga bixin arrintan balse dhaarinta madaxweyneyaashii hore waxaa si toos ah u baahin jirtay warbaahinta gudaha, dowladdana wax kharash ah kama bixin jirin.

    Waxaa arrintani ka horyimid suxufiyiinta iyo warbaahinta maxalliga ah, iyadoo wargeyska ugu afka dheer ee ka soo baxa Kenya, Daily Nation uu ku eedeeyay madaxweynaha la doortay uu lumiyay "fursad dahabi ah oo ku muujin lahaa inuu madaxweyne yahay."

    Kooxda warbaahinta William Ruto ayaa difaacday go’aanka waxay sheegeen in shirkadda la siiyay qanddaraaska baahinta munaasabadda ay qeybaha kale ee Afrika u gudbin doonto wararka la xiriira caleemo saarka madaxweynaha.

    Waxay sidoo kale ku eedeeyeen warbaahinta gudaha inay sameeyeen eexasho ka dhan ah Ruto gaar ahaan xilliggii ololahiisa doorashada.

  11. Midowga Afrika oo ka hadlay baaqa TPLF ee ah inay wadahadal diyaar u yihiin

    Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay baaqa kasoo baxay jabhadda TPLF ee ah inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan wadahadallo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya.

    Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in hadalka TPLF uu yahay fursad naadir ah oo lagu joojinayo dagaalka.

    Wuxuu ugu baaqay fallaagada iyo dowladda federaalka inay dhaqangeliyaan xabad joojin deg deg ah.

    Dagaal ayaa mar kale dib uga qarxay Tigray bishii August kadib in muddo ah ay xaaladdu deggeneyd balse hoggaanka Tigray ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan wadahadallo nabadeed oo lagu joojinayo xiisadda.

    Madaxda TPLF ayaa horey u dhaleeceeyay wadahadallada uu garwadeen ka ahaa Midowga Yurub iyagoo sheegay inay doorbidayaan in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horkaco wadahadallada.

    Ilaa iyo hadda lama hayo wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya oo ku aadan arrintani balse horaan dowladda waxay sheegtay in wakhti kasta ay diyaar u tahay wadahadallada lagu soo afjarayo colaadda gobolka Tigray.

  12. Boqorka cusub oo maanta tacsi ka dhageysanaya baarlamaanka UK

    Afar maalmood ka dib geeridii boqorad Elizabeth, Boqor Charles saddexaad iyo Boqoradda Consort ayaa Isniinta maanta u safri doona Westminster Hall, oo ah dhismaha ugu da'da weyn baarlamaanka Britain halkaas uu ka jeedin doono khudbad isaga hadallada tacsida ah kala socon doono baarlamaanka.

    Dhismaha Westminster ayaa jiray tan iyo sanadkii 1097 halkaas oo la dhigi doono naxashka uu ku jiro meydka boqoradda si shacabka ay usoo eegaan.

    Xildhibaanada labada gole ayaa yeelanayaa kulan ay ku muujinayan tacsida boqoradda.

    Boqor Charles ayaa sidoo kale ku biiri doonaa dadka xusayo boqoradda isla markaana wada naxashka uu ku jiro meydka boqoradda .

    Naxashka Boqorad Elizabeth II ayaa yaalla magaalada Edinbrugh, caasimadda Scotland, gaar ahaanna qasriga Holyroodhouse oo ay boqortooyadu ku leedahay magaaladaas.

    Aaska boqoradda ayaa ku aaddan maalinta Isniinta, ee ku beegan 19-ka bishan Sebtember.

  13. Asalaamu Caleykum, kulanti dhammaantiin, mar kale.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan maanta ku eegeyno wararka la xiriira geerida ku timid boqoradda UK, Elizabeth II.

  14. Kaniisadaha UK oo kulan duco ah u sameeyey boqorad Elizabeth-da geeiyootay

    Kaniisadaha ku yaalla UK, ayaa waxey qabanayeen kulamo duco ah oo lagu xusayo geerida boqorad Elizabeth-da Labaad.

    Madaxa Kaniisadda Canterbury ee England, Justin Welby, ayaa ka sheegay shirka in ay dad badan bartay boqoradda "Ilaahay iyo nimcooyinka uu siiyo dadka" marka loo eego qof kasta oo kale oo nool xiligan casriga ah.

    Hogaamiyayaasha kiniisaddu, ayaa waxay ku tilmaameen inay tahay fursad ay heleen dadka kaniisadda tagga, si ay uga dheehdaan iimaankii boqoraddii dhimatay uu hagayay nolosheeda oo dhan.

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Yair Lapid, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid boqorad Elizabeth-da Labaa.

    Isagoo ka hadlayay bilowgii shirkiisa todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, Lapid, ayaa sheegay inay tusaale u ahayd caalamka.

  15. Dad badan oo ku sagootiyey axashka boqorad Elizabeth magaalada Edinburgh

    Dad badan oo u baroor-diiqaya geerida boqorad Elizabeth-da Labaad oo ku nool Scotland, ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyadoo naxashka uu saaran yahay meydka boqoradda Elizabeth-da Labaad laga soo qaadayo halkaasi.

    Naxashka meydka, ayaa haatan waxa uu yaallaa qalcadda Balmoral, halkaasoo ay ku dhimatay Khamiistii.

    Dadka ku nool tuulada Ballater, oo ay boqoraddu si joogto ah u tagi jirtay, ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee tacsi u sameeya.

    Ubaxyo yaryar oo kala midabo ah oo laga keenay dhulkii Balmoral ee uu jeclaa boqorkii hore, ayaa la dul saaray naxashka, kaasoo lagu dahaaray astaanka boqortooyada Scotland.

    Gabadha boqorada geeriyootey, ee amiirad, Anne, ayaa la socota naxashka, safarka qaadanaya lixda saacadood.

    Naxashka ayaa waxa uu oolli doonaa magaalada Edinburgh ilaa iyo Talaadada, ka hor inta aan loo duulin magaalada London, si looggu sameeyo aas qaran sagaalka iyo tobanka Bishan Sebtembar.

  16. Xilliga iyo goobta lagu aasayo boqorad Elizabeth II oo Khamiistii geeriyootay

    Naxashka boqoradda ayaa la dhigi doonaa hoolka Westminster Abbey afar maalmood ka hor aaskeeda oo ku aaddan maalinta Isniinta, ee ku beegan 19-ka Sebtember.

    Dadweynaha ayaa loo oggolaan doonaa inay daawadaan naxashka muddadaas.

    Hoolka ayaa ku yaalla qeybta ugu qadiimsan ee qasriga Westminster, oo muhiim u ah Britain. Sanadkii 2002, naxashka Boqoradda hooyadeed oo xilligaa geeriyootay ayaa la dhigay hoolka, waxaana booqday in ka badan 200,000 oo qof.

    Naxashka Boqoradda ayaa la saari doonaa dhismo taag ah oo loo yaqaan catafalque, halkaas oo ay ilaalin doonaan askar ka tirsan ilaalada boqortooyada.

    Naxashka ayaa marka hore laga soo qaadi doonaa qasriga Buckingham, waxaana qaadaya gaadiid tartiib u socda oo ay la socdaan milateriga iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ay geyn doono qasriga Westminster.

  17. Boqorka cusub oo gaaray qasriga Buckingham

    Boqorka ayaa gaaray qasriga Buckingham halkaas oo lagu wado in uu kula kulmo xoghayaha guud ee ururka Barwaaqo-sooraanka Patricia Scotland.

    Waxaa la arkayay dadweyne u gacan haatinaya Boqor Charles III xilli uu galayay qasriga.

  18. Sawirro: Dad badan oo isu soo baxay si ay u sagootiyaan boqoradda

    Dad badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka Edinburgh, Windsor iyo bartmaha London si ay u sagootiyaan boqoradda oo dhawaan dalkaas ku geeriyootay.

    Naxashka boqoradda ayaa gelinka danbe ee maanta la geyn doonaa Edinburgh iyadoo intaa ka hor lasii marsiinayo deegaanno kale.

    Dhinaca England, dad ayaa kusii qulqulayaa qalcadda Windsor iyo qasriga Buckingham si ay halkaas usoo dhigaan ubaxyo ay ku xusaan boqoradda.

  19. Hindiya oo laga sameynayo baroor diiq lagu xusayo geerida boqorad Elizabeth II

    Dalka Hindiya waxaa ka socda maalin baroor diiq ah oo loo sameynayo Boqorada geeriyootay.

    Calanka ayaa hoos loo dhigay, waxaana la sheegay in aysan dhici doonin munaasabadaha madadaallada ee rasmiga ah ee horay loo qoondeeyay ee dalkaas.

    Naxashka boqoradda ayaa laga qaaday qasriga Balmoral, waxaana la geynayaa magaalada Edinburgh.

    Naxashka boqoradda ayaa la dhigi doonaa hoolka Westminster Abbey afar maalmood ka hor aaskeeda oo ku aaddan maalinta Isniinta, ee ku beegan 19-ka Sebtember.

    Dadweynaha ayaa loo oggolaan doonaa inay daawadaan naxashka muddadaas.

  20. Naxashka boqoradda oo la geeyay Ballater

    Shacabka ku nool deegaanka Ballater oo u dhaw qasriga Balmoral ayaa waxay safaf dhaadheer u galeen si ay arkaan naxashka boqoradda.

    Dadka waxay baroor diiq u sameynayeen boqoradda oo dhawaan ku geeriyootay dalkaas.

    Dadka ku nool Ballater ayaa u arkayay boqoradda saaxib deris la aheyd.

    Waxay inta badan halkaas ku arki jireen boqoradda oo ay marar badan la kulmeen.