You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Sucuudiga oo sheegay in dumarka ay Xajka imaan karaan maxram la'aan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Meydka haweenay maalmo la la'aa oo Suuli laga helay

    Sida lagu baahiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gudaha haweeney lagu magacaabo Allaha unaxariistee Aamino Maxamuud, ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay oo lagu baadi goobayay haweenaydan hadda maydkeeda la helay.

    Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka haweenaydaan ay ka soo saaraan Suuliga oo uu ku riday sida la sheegay nin lagu eedeyay inuu dilkeeda ka dambeyay.

    Ninka lagu tuhmayo dilka Aamino ayaa wararku sheegayaan inay ku lahayd "dayn" aan faah-faahin laga bixin waxa ay ahayd.

    “Wuxuu ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo,maadaama uusan bixi karin dayntii ay ku laheed,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay bogga Facebook ee Radio Muqdisho.

    Markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuumad Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda ayaa la raaciyay warkan la soo dhigay baraha warbaahinta Qaranka.

    Dhacdadaan ayaa argagax ku noqtay ehelka iyo dadka ku nool aagga laga helay meydka Aamino Maxamuud

  2. Siyaasi Afrikaan ah oo Somaliland ku ammaanay horumarka ka jira

    Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, lagu soo gabagabeyay shirka nabadda iyo amniga ee Afrika oo socday laba maalmood. Shirkaan waxaa ka qayb galay hoggaamiyaal, khuburo iyo daneeyayaal kale oo ka socday qaaradda Afrika,waxaana diiradda lagu saaray doorka arrimaha gudaha iyo dibadda ay ku leeyihiin dadka ka shaqeeya nabadda,iyadoo Somaliland loo marayo.

    Fannaanka siyaasiga ah ee ka soo jeeda dalka Uganda,Bobi Wine oo ka qayb galay shirkaas isla markaana la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa ku ammaanay Somaliland horumarka ay gaartay muddadii ay jirtay iyo in tan 1991-dii ay Somaliland yeellatay 5 madaxweyne oo si dimuquraadi ah loo doortay xilkana ula kala wareegay. Wuxuu intaa ku daray in Somaliland oo dagaallo burburiyeen ay ka soo kabatay hadda dhamaan dhibaatooyinkii soo maray marka laga eego dhinacyo uu ka mid yahay dhaqaalaha.

    Bobi Wine oo caan ka ah gudaha dalkiisa isla markaana horey ugu tartamay xilka madaxtinimada ee Uganda ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu bartiisa Facebook, soo dhigay saacado ka hor.

  3. Putin oo jeediyay hanjabaad cusub

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku goodiyay in Ruushku uu beegsan doona aag cusub oo aaney horey u gaarin gacanta Ruushka,haddii Mareykanku siiyo Ukraine hubka riddada dheer.

    Haddii ganttaallo noocaas ah la siiyo, "waxaan garaaci doonaa bartilmaameedyo cusub oo aanna wali taaban,” ayuu yiri Putin oo waraysi siinayay telefeshinka dowladda Ruushka.

    Wuxuu intaa ku daray in ujeedka laga leeyahay hubka la siinayo Ukraine, ay tahay in colaaddu dheeraato oo ay waqti badan sii jirto. Puntin ayaa sheegay in tallaabooyinka reer galbeedku ay hubka ku siinayaan Ukraine aaney waxba ka badali doonin hadafka dalkiisu ka leeyahay duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

    Madaxweyne Putin ma uusan magacaabin bartilmaameedyada Ruushku qorshaynayo inay beegsadaan haddii wadamada reer galbeedku bilaabaan hubka ay siinayaan Ukraine.

  4. Weerar lagu qaaday Kaniisad dad badan ku sugnaayen oo ku taalla Naigeria

    Koox hubeysan ayaa dilay dad ku sugnaa Kaniisad ku taalla gobalka Ondo ee Koonfur-galbeed dalka Nigeria,sida uu sheegay guddoomiyaha gobalkaas.

    Arakunrin Akeredolu ayaa ku tilmaamay weerarkan mid fal “shaydaan ah “oo lagu beegsaday dad aan waxba galabsan.

    Rag hubeysan ayaa gudaha u galay Kaniisadda Saint Francis Catholic, ee magaalada Owo,iyadoo halkaa ay xilligaa ku cibaadaysanayeen dad badan maadama maanta ay tahay maalin Axad ah.

    Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka gaysatay ay afduubatay qaar ka mid ah wadaadadii Kaniisadda joogay.Sidoo kale wali ma cadda tirada saxda ah ee dadka weerarkaan ku dhintay.

    Bilihii la soo dhaafay guudahaan dalka Nigeria waxaa kordhayay rabshadaha iyo afduubyda ay ka gaysanayaan kooxaha hubaysan.

  5. Madaxweynaha Ukraine oo war hor leh ka soo saaray dagaalka Ukraine

    Waxa markii u horraysay muddo todobaadyo ah ay qaraxyo badani ka dayaameen aroornimadii hore ee saaka oo Axad ah qaybo ka mid ah magaalo madaxda Ukraine ee Kyiv.

    Qiiq madow oo cirka isku shareeray ayaa la arkayey iyadoo shaqaalaha gargaarka degdegga ahina ay aagga u gurmadeen, ugu yaraan hal qof ayaa wararku tibaaxyaan inuu ku dhaawacmay.

    Madaxweynaha Volodmyr Zelenesky ayaa sheegay in waddooyinka waaaweyn ee magaalada Severodonetsk ee ku yaala bariga dalkaasi, waxaa ka socda dagaalo culus.

    Severodonetsk iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla Ruushka wuxuu ku hayaa duqeymo joogta ah uu adegsanaya cirka, madaafiicda goobta iyo gantaalaha.

    Halka ciidamada Ukraine ay weli ku sugan yihiin goobihi ay haysteen.

    Barasaabka gobolka Luhansk wuxuu Sabtidi sheegay ciidamada Ukraine iney weli gacanta ku hayaan Severodontesk ayna sugayaan hubka ay ku deeqeen wddamada reer galbeedka.

  6. Golihii wadatashiga qaran ee Itoobiya oo howlahooda bilaabay

    Xubno ka socda golaha wada tashiga qaran ee dalka Itoobiya ee dhawaan la magacaabay ayaa gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

    Golaha wadatashiga qaran ee dalkaas ayaa beryahan ba waday daraasaad iyo diyaar garow uu ugu jiro gudagalka hawlaha loo igmaday ee ay ka midka tahay dib u heshiisiinta dalka iyo xallinta waxyaabaha ay tabanayaan deegaan maamullada ku dhisan qoomiyadaha ee dalkaas.

  7. Saxafi Cumar Seerbiya “Waxaa la igu xiray madaarka Hargaysa”

    Mid ka mid ah weriyeyaasha Soomaalida, gaar ahaan arrimaha fanka sida weyn loogu yaqaano Cumar Seerbiya ayaa sheegay in lagu xiray garoonka Hargaysa oo uu manta ka dagay.

    Ma uusan sheegin sababta, balse farriin uu soo dhigay degelkiisa Facebook ayuu ku sheegay in la xiray, lamana oga sida uu ku haleelay in uu Facebook wax ku qoro iyo sida uu hadda xaalkiisa yahay.

    Cumar ayaa ka hawlgala taleefishinka Astaan, isaga oo daadihiya barnaamijyada fanka, wuxuuna dhowaan qorey buug ka hadlaya fanka Soomaaliya.

  8. Dab qasaare xoogan geystay oo Bangaladhesh ka kacay

    Dad dhowr ah ayaa ku dhintay qarax dab ka dhashay oo ka dhacay dalka Bangaladesh.

    Lama oga waxa sababay dabkan, balse waxaa loo malaynayaa in qaar kamid ah weelasha kiimikada lagu keydiyay ay sababeen.

    Cisbitaalada ku yaala deegaanka ayaa buux dhaafay, waxayna codsadeen in dhiig loogu deeqo.

    Qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa lagu soo waramayaa in ay xaaladoodu aad u liidato, waxaana la filayaa in tirada dadka dhintay ay kororto.

    Ugu yaraan 5 ka mid ah shaqaalaha dab damiska ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

    Sidoo kale Dhowr wariye oo ka warbixinayay dabka ka hor inta uusan qaraxa dhicin ayaan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

  9. Sucuudiga oo sheegay in dumarka ay Xajka imaan karaan maxram la'aan

    Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in haweenku ay hadda iska diiwaan gelin karaan xajka sanadlaha ah iyada oo uu san la soconin nin mas'uul ah (maxram), sida ay dowladsda Sucudiga sheegatay.

    Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in haweenku aysan u baahneyn in ay yeeshaan qof mas’uul ah oo lab ah si ay isu diiwaan geliso, ayna hadii ay koox dumar ah yihiin.

    Arrintan ayaa kusoo beegmeysa maalmo kadib markii lagu dhawaaqay in haweenka Sacuudiga ay hadda iskood u noolaan karaan iyaga oo aan u baahneyn ogolaanshaha aabahood ama mas'uulka lab ah ka dib markii wax ka bedel sharci oo cusub ay sameysay Boqortooyada.

    2019, Boqortooyada ayaa siisay ogolaanshaha haweenka inay u safraan dibadda iyaga oo aan ogolaansho ka helin mas'uul lab ah.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

    • Sacuudiga: Maxamed Bin Salmaan iyo ninkii macallinka u ahaan jiray maxaa kala qabsaday?
    • Maxay tahay abaarta ba'an ee laga soo sheegayo Mareykanka?
    • Boqortooyada Ingiriiska: 3 xaaladood oo UK gilgilay balse ay xal u heshay boqorad Elizabeth
  10. Xaalada abaarta Soomaaliya oo laga deyrinayo

    Khubarada cimilada iyo hay'adaha gargaarka ayaa ka dayrinaya xaaladda abaarta Soomaaliya, waxaana ay saadaalinayaan in ay arrintu gaari doonto heer macaluul ah hadii xilli roobaadka ugu dambeeya sanadkan uu baaqdo, walow aan rajo weyn laga qabin.

    Waxa haddaba is weydiin leh weli dawladda Soomaaliya iyo hay'adaha kale ee gargaarku ma ka fakareen qaab kale oo habka nolosha dadka reer guuraaga ahi ay haatan ku tiirsan tahay loo bedeli karo oo loogu abuuri karo qaab nololeed oo kale.

    Cabdulqaadir Maxamed Axmed oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaalida ee dersayey arrimaha abaarta Soomaaliya ayaa BBC-da uga waramay xaaladda Abaarta Soomaaliya, halkan riix si aad wareysiga u dhageysato

  11. Nin miyiga digaagga ku iibin jiray oo kamid ah dadka ugu cadcad tartanka madaxweynaha ee dal caan ah

    Madaxweyne kuxegeenka dalka Kenya Wiilliam Ruto ayaa kamid ah dadka ugu cadcad ee u tartamaya jagada madaxtinimo ee dalka Kenya.

    Dr. William Ruto,Dugsiga hoose waxa uu galay isagoo kaba-la'aan ah, wuxuuna kabihiisii ​​ugu horreeyay helay isagoo 15 jir ah, sidoo kale wuxaa uu laamiga agtiisa ee miyiga gobolka Rift Valley kuiibin jiray digaagga iyo lawska .

    Markaa la yaab maaha in uu isu muujiyo in uu yahay hormoodka danyarta isaga oo u hanqal taagaya doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya oo ku beegan 9ka Ogosto.

    Heerka shaqo la'aanta rasmiga ah ee dadka da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 34 sano waxay ku dhowdahay 40%, dhaqaaluhuna ma abuurayo shaqooyin ku filan dhalinyaro gaareysa 800,000 oo sanad walbo shaqa doonka ah.

    Sidaa darteed waxa uu hal-abuur ka dhigtay odhaahda ah “Hustler nation” oo uu ula jeedo qaran nolol-maalmeedkiisa u halgamaya.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

    • Colaadda Ukriane: Kyiv oo ka catooray hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska Macron
    • Nin Soomaali ah oo hadiyaddii ugu cajiibsanayd siiyay garsoore Mareykan ah oo caan ka ah dunida
  12. Sheegashooyin is diiddan oo kaso baxaya dagaalka Ukraine

    Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dagaal uu weli ka soconayo waddooyinka magaalada Severodonetsk, xilli Ruushku uu duqeyn joogta ah ku hayo qeybaha kale ee gobolka Donbas.

    Hasayeeshee Ruushka ayaa sheegaya in ciidammada Ukraine ee ku sugan bariga magaaladaasi ay dib ugu guranayaan magaalada dariska ah ee Lysychansk.

    Ma jirto qaab lagu xaqiijin karo sheegashadaasi, xilli bayaannadii ugu dambeeyay ay saraakiisha Ukraine ku sheegeen inay weli iska caabbinayaan oo ay dib u riixayaan ciidammada Ruushka.

  13. Xisbiga Mucaaradaka Soomaliland oo ka hadlay guddigii doorashooyinka ay gebi-ahaanba meesha ka baxaan

    Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee mucaaradka ah ee Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegay inay nasiib-darro wayn iyo dhabar-jabba ay tahay in guddigii doorashooyinka ay gebi-ahaanba meesha ka baxaan. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa intaasi ku daray in talo guud oo lagu badbaadinayo Somaliland iyo nabadgelyadeeda ay qaban doonaan.

    Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa kaddib markii saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida doorashooyinka ee Somaliland ayaa shalay iscasilaadooda u gudbiyeen madaxweyne Muuse Biixi.

    Arintan ayaa ka dhigan in gebi ahaanba uu burburay guddiga doorashooyinka Somaliland, xilli lagu waday in 13-ka November ay dhacdo doorashada madaxweynaha oo laf ahaanteeda khilaaf siyaasi ahi ka taagnaa.

    Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa BBC-da uwaramay, halkan riix si aad u dhageysato wareysiga